Somaliland: Kastamadii Dakhliga Weyni kasoo Xeroon-jiray oo Goraygu ka Haddaafay Iyo Wasiir Samsam oo Dubai Daasha-daashoonaysaa

85

Kastamada Magaalooyinka Berbera iyo Kala-baydh, oo ah illaha %80 uu kasoo xeroon jiray dakhliga Miisaaniyadda dawlada dhexe ee qaranka, sidoo kalena ah illaha lagu salleeyo dakhliga malo-awaalka ee miisaaniyad sannadeedka, ayaa gaadhay hoos-u-dhicii abid ugu xummaa ee intii Somaliland jirtay, kaddib markii mid-walbaa gaarkiisa uu isu-taagay adeegga iyo shaqadii uu qaban jiray.
Kastamka Magaaladda Berbera, oo marka la barbar dhigo kastamka Magaaladda Kala-baydh, isaggu ka sarreeyey darajo ama wax soo saar ahaan, ayaa wax soo saarkiisa hadda waxa uu gaadhay 700-Milyan iyo wax kasii hooseeya maalintii, halka kolkii hore dakhliga Maalin laha ee kastamka Berbera uu ka ahaa 3-Bilyan iyo in ka badan. Mushkilada sababtay hoos-u-dhaca kastamka Berbera, waxa dadka arrimaha dhaqalaha ka faalloodaa la xidhiidhiyeen inay saldhig u tahay adeeg xummo ka dhalatay khalkhal iyo iska daba-wareeg uu la kowsaday maamulka iyo maareynta hawlaha dekedda ee Shirkadda DP World, taasoo kolkii hore laga filaayey inay wax kusoo kordhiso Dekedda, hase-ahaatee inay wax soo kordhiso daayoo kala daadisay adeegii dekeddu qaban jirtay iyo ganacsatadii macaamiisha ahayd ee wax kala soo degi jirtay.
Teeda kale, kastamka Magaaladda Kala-baydh oo duruufta soo foodsartay marka loo eeggo ka Berbera ka duwan tahay, balse ay ka siman yihiin hoos-u-dhaca wax soo saarka marka si guud loo eeggo, ayaa wax soo saarkiisa hadda, waxa uu gaadhay sag-xadda hoose, kaddib markii uu istaagay Qaadka Haawadayga ee dalka Itoobiya ka iman jiray, oo ahaa laf dhabarta koowaad ee badeecadaha uu cashuurta ka qaado, sidoo kale waxa hoos-u-dhac weyni iyanna ku yimmi badeecadaha kasoo degga dekedda ee u socda dalka Itoobiya.
Ma jiro, mana muuqdo oloolle ama dedaal ku saabsan dhaqaalo-gariirka soo foodsaaray dalka, oo Xukuumadda tallada haysaa ku hawlan tahay, siday wax uga qaban lahayn arrimahan. Teeda kale dadka dhaqaalaha ku takhakhusay qaarkood, waxay ka dayrinayaan khatara arrimaha ka dhalan karaa, hadii Xukuumadda tallada haysaa aanay degdeg wax uga qaban Sixir-bararka iyo hoos-u-dhaca dhaqaale ee dalka ku habsaday, khataraha khuburrada dhaqaaluhu ka deggeen hadii aan wax laga qaban dhaqaalo-gariirka dalka lasoo dersay, waxay tusaale fudud usoo qaateen Ciidamada qaranka, oo siday tilmaameen dhaqaale xummada dalku galay iyagga inay laba jeer saameyn ku ledahay,kuwaasoo kala ah Mushaharka Ciidamada oo Seer-seer gala iyo sidoo kale qadarka Lacagta la siiyo oo aan waxba u jarayn, sixir-baraar awgii.
Geesta kale, dadka dhaliila Siyaasadda ay dalka ku hagto Xukuumada ka dhalatay Xisbiga Kulmiye, ayaa aaminsan inaanay diyaar u ahayn Xukuumaddu inay waxka qabato hoos-u-dhaca dhaqaale iyo sixir-bararka dalka ka jira, khuburadaasi waxay dooda usoo daliishadaan Wasiirka Maaliyaddu uga seexday shaqadiisi, isla markaana hadda shaqadeedii u xuub-siibatay tii uu qaban lahaa Wasiirka arrimaha dibedu.

Comments

comments