Somaliland: Wasiirro Dubai U Tagay Wada-hadallo Ku Saabsan Sharciyadda Heshiiskii DP WORLD Kula Wareegtay Maamulka Dekedda Berbera

Magaalada Dubai ee Dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa ku sugan Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland, kuwaasi ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Qorsheynta Qaranka Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo), kuwaasi oo halkaa kulan kula yeelanaya Masuuliyiinta Shirkadda DP World ee lagu wareejiyey Maamulka Dekedda Berbera.

Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo Dubai ku sugan, waxa ku soo biiraya Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire, waxayna markaa ka dib si wada-jir ah Wada-hadallo ula yeelan doonaan Masuuliyiinta ugu sarreysa Shirkadda DP World ee hadda Maamusha Dekedda Berbera.

Wasiirrada ka socda Xukuumadda Somaliland iyo Masuuliyiinta Shirkadda DP World ayaa dib iskula eegaya isla-markaana isla sugaya Sharciyadda Heshiiskii DP World kula wareegtay Maamulka Dekedda Berbera, si markaa ka dib loo gudo-galo Hawlaha la doonayo in DP World ka qabato Dekedda Berbera.

Sidaana waxa sheegay Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Imaaraadka Carabta oo Doraad Magaalada Dubai ku soo dhaweeyay Wasiirrada Maaliyadda iyo Qorsheynta oo qayb ka ah Wasiirrada Wada-hadallada la gelaya DP World.

Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Baashe Cawil Cumar oo ugu horreyn soo dhaweynaya Wasiirrada ayaa yidhi “Waxa sharaf weyn noo ah inaanu magaaladan Dubai ku soo dhaweyno Wefti Wasiirro ah oo ay hoggaaminayso Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka. Waxa kale oo aanu filaynaa in dhawaan ay ku soo biiraan Wasiirka Madaxtooyada iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda.”

Safiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa faahfaahiyey Ujeeddada ay socdaan Wasiirrada uu Dubai ku soo dhaweeyay iyo kuwo kale ee ku soo biiri doona “Ujeeddada Weftiga ayaa ah runtii, kulan ay la qaadanayaan Shirkadda DP World, kulankaas oo ujeeddadiisu tahay sidii looga wada-hadli lahaa arrimaha ka dhexeeya Shirkadda DP World iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, oo la sugo sharciyaddii iyo heshiiskii (DP World) oo la gudo-galo, ka dibna loo gudbo qaybtii dhismaha iyo hawlgalkii…” Ayuu yidhi Safiirka Dawladda Somaliland u jooga Dalka Imaaraadka Carabta, sida uu baahiyey Telefiishanka HCTV oo aanu Warkan ka soo xiganay.

Ugu dambayn, Maalmihii u dambeeyay waxa jaho-wareer ka taagan yahay Dekedda Magaalada Berbera, ka dib markii Maamulka Shirkadda DP World ee Dekedda Berbera ay soo rogeen Qawaaniin khuseeya Badbaadada Dadka Adeegsada Dekedda, Qawaaniintaas oo ay ka mid tahay in Qof kasta oo Dekedda gelayaa uu xidho Koofiyad Bir ah, Kabo Qadh ah iyo Jaakeed Midab gaar ah leh. Laakiin Qawaaniintaas ayaa waxa ka biyo-diiday qaar ka mid ah Ganacsatada, iyagoo ku doodaya in Sharcigan ay DP World soo rogtay ay ku qarinayso in Shaqada Dekeddu aad u hoosayso, Maraakiibna dhowr bilood ku xidhan yihiin Dekedda.

Comments

comments

SHARE