DegDeg: Ugu yaraan 10 Qof oo ku Dhintay Dagaal Buuhoodle ku dhex maray Laba Beelood oo Walaalo ah

110

ugu yaraan Toban qof ayaa ku dhintay, tirro kalena way ku dhaawacmeen, Dagaal Laba beelood oo Walaalo ah Buuhoodle ku dhex maraya,

Dagaalka ayaa ka soconaya Magaaladda Gudaheeda, waxaana Goobaha Caafimaadka Soo Gaadhaya Dhaawaca iyo dhimashadda.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo aanu Goor-dhaweyd Khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa walaac ka qaba in uu dagaalku sii Fido, wuxuuna ERYAL u sheegay in aan waqtigan dejinta xaalada Ciidamada Dowlada Loo adeegsan Karin Baqo laga qabo in dadka dagaalamaya iyo ciidamada laftarkoodu isku dhacaan halkaana dhimashadu ku sii badato.

Weli dagaalku waa uu soconaya lamana ogaan Karo khasaaraha dhabta ilaa dagaalku joogsado.

Comments

comments