Somaliland: Darwiish Murrashax Muuse Biixi oo u Hoyday degmada Fiqi-fuliye Xalay kadib Soo dhawayn Ballaadhan

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey degmada Fiqi-fuliye ee Gobolka Sanaag, isagoo halkaasina ku hoyday.
Weftiga Guddoomiye Muuse Biixi oo gaadhay magaalada Fiqi-fuliye ee xarunta fiid-cawlkii xalay, waxa ku soo dhaweeyey boqolaal dadweynaha ku dhaqan degmadaasi ah oo waayeel iyo da’yarba isugu jira oo safaf dhaadheer u galay sidii ay u qaabili lahaayeen xisbiga oo ay u muujin lahaayeen taageerada ballaadhan ee ay u hayaan xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE.

Comments

comments

SHARE