Somaliland: Oo Cadaysay Inay Fasaxday Furitaanka Kiniisadda Hargeysa, Culimada Somaliland Oo Madal Wasiir Khaliil Fadhiyo Kaga Digay Khatarteeda iyo Bulshada Somaliland Oo Dareen Diidmo Ah Ka Muujisay

46

“Umadan Diinteeda iyo Caqiiqadeeda Ayaa Duullaan Lagu Yahahy Haddii Aynu Ogolaanay Kiniisadda Waxaynu Ansixinay In Dadkeena La Gaaleeyo” Sheekh Xasan Cabdisalaan

Wasiirka diinta iyo aw-qaafta Somaliland mudane Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa cadeeyey inay ogolaadeen furitaanka kiniisaddii Hargeysa ee dadka kiristaanka ahi ku cibaadaysan jireen, waxaase uu beeniyey in kiniisad cusub laga dhisay Hargeysa.

Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed wasiirka wasaarada diinta iyo aw-qaaftu isaga oo ugu horeyn arrimahasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxaa uu leeyahay dastuur uu ku dhaqmo kuna saleysan diinta Islaamka, dastuurkeenuna ma ogola in diin aan diinta Islaamka aheyn lagu fidiyo gayiga Somaliland, mana ogola in dadka reer Somaliland diintooda badalaan, shareecada iyo dastuurka Somaliland kama soo horjeedo dadka ehelu kitaabku inay dalkeena yimaadaan, oo ay ka shaqeystaan amase sifo sharci ah nagula joogaan mana diideyso inay ku cibaadeystaan goobihii ay hore u deganaan jireen ee dhisnaa ilaa xiligii Ingiriiska, todobaatan sano ka hor”

Sheekh Khaliil waxa uu cadeeyay inaanay jirin wax kiniisada oo cusub oo laga dhisay gudaha magaalada Hargeysa waxanu yidhi “Waxaanu cadeynaynaa inaanay jirin kiniisad cusub oo laga dhisay gudaha magaalada Hargeysa, sida ay baahiyeen qaybo kamida warbaahintu sawiro aan xaqiiqada ka turjumeynin oo been abuura, lamana ogolona in Kiniisado cusub laga dhiso gayiga Somaliland, waxaana cadho iyo buuq badani ka dhacay hadal ay gabadh ajaanib ahi ka tidhi madal lagu falanqeynayay horumarka ay keento mutadawacnimada amase iskaa wax u qabsadu, kana dhacay Jaamacada Alpha, loona turjuntay inay dawladu keenayso dhismaha Kiniisad cusub lagana dhisay gudaha magaalada Hargeysa, taasi oo ah mid aanay waxba ka jirin”

Sidoo kale wasiirka wasaarada diinta iyo aw-qaaftu waxaa uu shaaca ka qaaday inay waraaq digniina oo kama danbeysa ay u qoreen xafiiska haweenaydii uu ka soo baxay warkan ah in gudaha magaalada Hargeysa laga furey kiniisad cusub “Haweenaydaasi xafiiskeedi waxaanu u qoray waraaq digniin kama danbeysa lagagana digayo wixii hadal amase fal loo turjuman karo fidin diimeed ugu danbeytii dawlada Somaliland ee hada talada dalka heysa waxaa ay ku suntan tahay kor u qaadista wacyiga diinta Islaamka iyo horumarinta diinta Islaamka sida Idaacada quraanka kariimka barnaamijyada kala duwan ee wacyiga diinta ee ka socota warbaahinta dawlada, ka hor taga xumaha iyo ilaalinta anshaxa, wacyigalinta xarumaha dawlada iyo jeelasha dalka taabo galinta gudida wanaag farista, ka qayb galka dhismaha masaajida iyo madarasadaha, hirgalinta dhismaha cusub ee wasaarada diinta iyo aw-qaafta”.

Geesta kale waxaa talaabadan si wayn uga soo horjeestay culimada Somaliland iyo guud ahan bulshada, waxaana si wayn loogu falanqaayey baraha bulshadu ku kulanto, Sheekh Xasan Cabdisalaan oo ka mid ah culimada waaweyn ee magaalada Hargeysa ayaa ka digay inay tallaabadani horseedayso in dadka reer Somaliland la gaaleeyo, isla markaana uu macbadkani horseedayo fiditaanka diinta kiristaanka, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“haddii ay jirto oo kiniisad Hargeysa laga furay oo ay dawladdu ogolaatay, waxaad ogaataan inaad tiir wayn dumiseen, in amni la helo oo aynu ku faano waxa aasaas u ah in dulmiga la iska ilaaliyo, dulmiga ugu wayni waxa weeye xuquuqda ilaahay oo meel lagaga dhaco, waa laga yaaba in la yidhaahdo inagoo muslimiin ah sawnaga dhulka gaalada masaajido ku leh runtii waa laba arrin oo aad u kala duwan (in kiniisad iyo masjid la iskaga qiyaas qaato), waa xaq iyo baadil, xaq iyo baadilna la iskuma miisaamo, waa sax islaamku wuxu ogolyahay haddii masiixiiyiin ahi meel joogan oo ay macbad leeyihiin inaan laga dumin laakiin islaamku ma ogola inay fidaan oo ay koraan, ma waxay idinla tahay inay kiniisadaasi ku koobnaanayso inta gaalada ah ee dibadda inooga timaada mise waa albaab loo furay in umaddeena lagu gaaleeyo, waayo waxaynu ognahay in umadeena diinteeda duullaan lagu yahay oo la bartilmaameedsaday, oo caqiiqadeeda duullaan lagu yahay oo albaabada ugu badan loo garaacayo sidii diinta looga saari lahaa, marka aynu ogolaano in macaabidda noocaas ahi dalka ka hirgalaan macnaheedu waxa weeye waxaynu ogolaanay in dadka la kiristaameeyo”.

Comments

comments