Barcelona oo dalabka ay ku dooneyso Coutinho qeyb uga dhigeysa Ivan Rakitic

Barcelona ayaa dooneysa in kubbad qaabeeyaha Liverpool Philippe Coutinho ay badel waqti dheer uga dhigto xiddiga ka sii dhacaya ee Andres Iniesta.

Wiilka reer Brazil ayaa la wariyay inuu heshiis shaqsi ahaneed la gaaray camaaliqada Spain waxa dhimanna ay iminka yihiin uun inay lacagaha ku heshiyaan labada kooxood.

Waxaa la fahansan yahay in Barcelona ay dooneyso inay Reds miiska u saarto dalab ku kacaya 80 milyan oo bound si ay uga hesho adeega Coutinho.

Jurgen Klopp ayaa isagu doonaya in laacibka uu ka mid noqdo qorshihiisa kal ciyaareedka soo socda balse warar fareesh ah ayaa tibaaxaya in dalab dhan 89 milyan oo bound ay ku jirrabi karto inuu iska iibiyo.

Yeelkeede, warsidaha Diario Gol ayaa sheegaya in Barcelona ay dooneyso inay Rakitic qeyb uga dhigto dalabka ay ku dooneyso Coutinho.

Xiddiga reer Croatia ayaa ahaa mid lagu nafciyo tan iyo sidii uu kooxda ugu soo biiray 2014 kolkaa uu ka yimid Sevilla wuxuuna ka caawiyay Barca inay saddexleey koobab ah ku guuleysato xilli ciyaareedkii ugu horreeyay uu Luis Enrique qabto xilka tababaranimo ee kooxda

Laakiin Rakitic ayay ku adkaatay nolosha Catalonia kal ciyaareedkii tagay kaddib markii uu dhaliyay 9-gool 51 kulan uu saftay iyadoo ay kooxdiisa ku guul darreysatay La Liga iyo Champions League oo dhammaan gacanta u galay kooxda ay sida daran u coltamaan ee Real Madrid.

Sida la aaminsan yahay Liverpool ayaa bilooyin ka hor u sheegtay Barcelona in Rakitic uu sababi karo inay ka iibiyaan Couatinho waana waxa uu hadda doonayo inuu sameeyo macallinka cusub ee Barcelona Ernesto Valverde.

Comments

comments

SHARE