Somalia: Khayre oo maamulka Bankiga dhexe kala hadlay soo saarista lacago cusub

iyadoo gobolo badan oo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya laga diiday lacagta noodka kunka shiling ee Soomaaliya ayaa Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Cali khayre  oo  kormeer  shaqo ku tagay  Bankiga dhexe ee Soomaaliya  ayaa kala hadlay maamulka soo saarista lacag cusub oo shiling Somalia ah oo bedeli doonto midda hadda jirta

wuxuu maamulka  Bankiga dhexe   kala hadlay   dhibaatada dhaqaale ee ka dhalatay adeegsiga lacagaha been abuurka ah , waxaana uu tilmaamay muhiimada ay leedahay soo saarista  lacag cusub oo dalku yeesho  , tayeynta  shillinka Soomaaliga iyo qaabka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo lacagta faalsada ah.

dhinac kale Wasiirka kowaad intii uu kormeerkiisa ku jiray  wuxuu booqday  wasaaradda  Batroolka iyo Macdanta halkaasi oo warbixin kaga dhageystay mas’uuliyiinta wasaaradda taasi oo ku saabsan sida ay u socdaan howlaha wasaaradda.

Ra’iisul  Khayre  wuxuu sidoo kale    qeyb kamid ah   waqtiisa shaqadda siiyey in uu  muwadininta Sooomaaliyeed  uga jawaabo  talooyin  iyo tusaalooyin  ay ku soo diren Email  loogu talagalay   in dadka Soomaaliyeed ay ugu soo diraan talooyinkooda.

Mudane Xasan Cali khayre ayaa dadkii u soo diray fariimaha  si caadi ah ugu jawaabayey isla markaana u sheegyeyey in Dowladdu ay ku shaqaynayso  Aragtidooda wanaagsan.

Comments

comments