Maxaa Dhaxal Uga Dhigay Qaaradda Afrika Faqriga Iyo Saboolnimada?, Xogo Wax Badan Iftiiminaya – W/Q Zakariya Hassan

Faqrigu wuxuu noqday summadda heyb ahaan lagu baadi-sooco qaaradda Afrika marka laga hadlayo heerka nolosha oo ay kaga jirto qaaradaha kale ee dunida. 70% faqriga dunida wuxuu ka jiraa dalalka Afrika – halkaas oo kuwo badan sida Zimbabwe ay halis ugu jiraan xaalado la xiriira cunno la’aan ugu danbeyntii ku keenta inay u geeriyoodaan. 30-kii sano ee lasoo dhaafay, faqrigu wuxuu hoos uga dhacay 40% ilaa 20%. Hayeeshe dalalka qaaradda Afrika boqolleydani aad uma taaban. Wali maanta, in ka badan 40% dadka saxaraha ka hooseeya ayaa ku nool faqri miiran, marka loo eego mareegta our-africa.org. Wadama badan oo Afrika ayaa aad faqrigu ula degay, hayeeshe kuwa kale ayaa qani ama hodan ku ah kheyraad dabiici ah sida batroolka balse waxaa jira kala durugsanaan aan isku dhaweyn – heer nololeed ahaan – oo ka dhex-jirta muwaadiniintooda. Dadka qaar waxay tani ku beertaa uur-ku-taallo dhiilloon oo ay ka muujiyaan faqriga iyo macluusha inta la dhiban. Kuwa kale ayaase soo jeediya in hal-dhaqaaq siyaasadeed oo cusub loo baahan yahay. Xaqiiqdii tani waxay la timid xaalad isku hor gudban. Dal kasta oo Afrikaan ah wuxuu leeyahay taariikh sugan, maantana wuxuu wajahayaa caqabad goonnidiisa u heysata – muuqaal ahaanse uu la wadaago qaar kale oo dhiggiisa kula nool qaaradda ah. Taniyo markii la bilaabay wax ka qorista sababaha dib ula haray qaaradda Afrika, su’aalaha curdinka ah oo had iyo jeer miisaska lasoo dhigo waxaa ugu weyneyd waxa ka dhigay duni qani ku ah kheyraad dabiici ah oo xoog awoodeed da’yar ku filan heysta in ay noqoto midda ugu hooseysa nolol ahaan qaaradaha kale?
In kasta oo hannaanka maamul oo aan helin muddo xilliyeed sugan oo uu ku howl-galiyo qorshaha horumarineed ee dalkiisa aysan aalaaba suura-gal u noqon dalalka Afrika oo dagaallo sokeeye, af-ganbi dhiig ku daato iyo caqabado kale ay mijaha ka dabraan, hadana waxaa jira dalal badan oo dhinaca nabdoon ka istaagay inay fashilmaan. Badigoodse kuma guuleysan inay ka mira-dhaliyaan dejinta hal-abuur siyaasadeed oo fure u noqda wax soo saar jawaab uga dhigma faqriga hareeyey gegyiga uu kaga nool yahay Afrika. Mayara inta kaligii-talis oo Afrikaan ah kuwaas oo in ka badan 20 sano qaarkood kursiga ugu fadhiyay hir-galinta danaha gumeystaha Yurub ee xukunka u dhiibay. Siyaasadda aan caddayn oo kaligiis-talisku ku hoggaamiyo dalkiisa, waxaa aalaaba lagala baxaa casharrada taban ee ku yimaada adeegsiga musuqa iyo wax is-daba marinta. Tani waxay lasoo shaac-baxday markii wadamo badan oo qaaradda katirsan ay madax-bannaani ka heleen Reer Galbeedkii isticmaarsan jiray. Nasiib-darro, intooda badan waxay ku danbeeyaan kacdoon lagu qaado oo ugu danbeyn dhaxal-siiya inay magan-galyo siyaasadeed ka doontaan mid kale oo digteetar ah. Dhibta taagani waxay tahay in – in kasta oo Afrika oo dhami ay leedahay kheyraad dabiici ah, hadana waxaa jira dalal qani ku ah macdanta iyo dihinta batroolka kuwaas oo siyaasad xumida haraysay awgeed ay dadkoodu ku nool yihiin nolosha ugu hooseysa dadyowga kale oo aan helin kheyraadkaas. Musuqmaasuqa waa mushkiladda ugu weyn. Nigeria iyo Koofur Afrika oo labaduba hodan ku ah kheyraad gaar ah ayaa kamid ah kuwa aan helin waddo cad oo ay dadkooda uga faa’iideeyaan hubsashada kororka iyo sare u qaadista heerkooda nololeed. Tusaale ahaan, Nigeria oo kamid ah 10-ka dal ee ugu qanisan batroolka adduunka, waxay ku jirtaa dalalka ugu musuqa badan adduunka oo kaalinta 139 kaga jira kala horraynta. Marka la eego sida baahsan ee musuqu u hareeyay dhexdeeda, waxay sabab u noqotay kala durugsanaan muuqata inay ku kala jiraan muwaadiniinteeda. Celceliska sanadlaha ah ee dakhliga qofka Nigerian-ka waa 2,600 oo Dolar.
Helid la’aanta miisaaniyad dhex-dhexaad ah oo qof iyo xaqiis ku saleysan waxay Nigeria ka dhigtay in kuwo hodanka ahina ay ku hodmaan yeelashada xaqa kuwo aan hodanka aheyn. Saboolkuna uu kusii haro kana hoos maro heerkiisa nololeed. Marka dib loo raaco miraha ka dhasha musuqmaasuqa, Nigeria waxay soo galeysaa kuwa laga barto casharrada qaraar ee ku lumay hir-galinta dadban ee falsafadda wax is daba marinta. Balse geesta kale marka laga fiiriyo isla qaaradda Afrika, waxaa jira dalal dhowr ah oo aan sida Nigeria qani ku aheyn kheyraad, hadana maareeyey inaysan kaliya laabin baalashada faqriga iyo gaajada, hayeeshe sidoo kale ku guuleystay in si mideysan ay sare ugu qaadaan dakhliga muwaadinkooda. Bostwana oo aan laheyn kheyraad la tilmaamo oo aan ka aheyn deegaan dabiici ah oo ay ku nool yihiin duur-joog tira badan – kaas oo dhaqaale ahaan xoog ugu tiirsan dal-xiisayaasha sanad kasta uga yimaada dunida inteeda kale siiba Yurub ayaa kamid ah. Bostwana waxay kaalinta 30aad kasoo gashay kala horraynta dalalka ugu yar musuqqa sanadkii 2015. Yaraanta laaluushka iyo wax is-daba marinta iyo xeerka adag ee lagu qaado xubnaha katirsan nidaamyada dowliga iyo kuwa aan dowliga aheyn ayaa shacbiga ku hoggaamisay in si siman ay iskugu dheelli-tirtaan adeegsiga hantida qofeed ee mid kasta xaq u leeyahay. Tani waxay keentay in dakhliga qofka Bostwaniga ah uu noqdo 16,000 oo Doolar sanadkiiba – taas oo ka badan isu-geynta dakhliyada ay helaan muwaadiniinta ku nool dalal badan oo musuqmaasuqu uu la degay.
Tusaalaha dalal kamid ah Bostwana ay Afrika ka sameeyey waxay marag ma doonto ka noqotay sida xeesha dheer oo jawaab loogu heli karo faqriga baadi-sooca looga dhigay qaaradda.
Haddii laga hadlo Soomaaliya, wali in musuq lagu dhaqmo mooyee, dib looma tijaabin in laga reebtoomo. Falsafaddan xumina waxay lasoo kowsatay xurriyaddii dalka oo 1960-kii dowladdii dhalatay lagu naaneysi jiray Hooyadii Musuqa. In kasta oo la xuso in musuqu yahay dhaxal ka haray gumeystihii dalka xukumi jiray, hadana cudur-daar manoqoneyso in gumeysataha lagu dhaliilo sida baahsan oo aan musuqa uga dhignay qeyb nolol maalmeedkeenna ah. Dal meeshii aad ka tagtaba uu musuqu yahay miftaaxa lagu xaqiiqsado rabitaannada – u eegis la’aan heerka qofeed, la yaab malahan in dabaqadaha kala duwan ee nolosheenna uu u dhaxeeyo farqi weyn dhaqaale ahaan. Taasina waxay mar kasta abuuraysaa in qeybna ay miraha ka gurato heegada sare ee caleemaha hoobaamay, kuwana ay dhaadhacada miraha qalalay dhuuni ka dhigtaan. Dadaallada loogu jiro cirib-tirka iyo la-dagaalanka musuqmaasuqa waxay had iyo jeer fure u ahaayeen nooleynta rajada iyo nolosha dadyowga kala duwan ee dunida. Waana fahamka ah sida yar ee loo dhimo musuqa saameyn ahaan, inay ka dhigan tahay sida habboon oo ay u kobcaan nolol ahaan dadka heerka hoose kaga nool maciishadda noloshooda. Maanta oo nidaamka dowliga ahina ku jiro anba-qaad hirasho fiican tiigsanaya, waa muhiim in maanka lagu hayo sida ba’an ee musuqu dhib noogu hayo iyo sida huban oo haddii laga guuleysto loo barwaaqaysan karo dal aan kaliya ka caaganeyn gaajada iyo faqriga balse sare u qaadda dakhliga sanadeed ee qofka Soomaaliga ah.

Comments

comments

SHARE