“Lionel Messi Waa Mashiin Loo Dhisay Inuu Ciyaaro Kubadda Cagta” Xavi Hernandez Oo Si Aan Caadi Aheyn U Amaanay Kabtanka Argentina.

Halyeeygii hore Barcelona Xavi Hernandez ayaa amaan balaaran kala duldhacay saaxiibkiisii hore Camp Nou Lionel Messi isagoo ku tilmaamay mashiin loo dhisay inuu ciyaaro kubadda cagta.

Lionel Messi waa 30-jir waxaana loo tixgeliyaa inuu yahay midka ugu weyn ee soo maray kubadda cagta waqtiga oo dhan, wuxuuna si wadajir ah waayo qurux badan ula qaatay Xavi Hernandez oo haatan ku sugan dalka Qatar.

Kabtanka Argentina mudadiisa Barcelona wuxuu ku guuleystay 8-La Liga, 4-Champions League iyo koobab kale taasoo qireysa inuu ka mid yahay xidigaha ugu guulaha badan dunida.

Sidoo kale wuxuu hantay 5-Ballon d’Or, Xavi ayaana si weyn u amaanay xidigaan ku guuldareystay inuu xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay koob weyn u qaado kooxdiisa.

“Leo wuxuu sameyn karaa waxa ay hal waqti sameeyaan [Xavi, Iniesta & Busquets, wuuna sii wadi karaa inuu sameeyo” ayuu yiri Xavi Hernandez oo la hadlayay The Tactical Room.

“Wuxuu u muuqdaa mashiin loo dhisay inuu ciyaaro kubadda cagta”

War wanaagsan ayey Jamaahiirta Barcelona heleen dhawaan markii uu ogolaaday xidigaan heshiis cusub oo dhamaanaya 2021.

Comments

comments

SOURCELaacib.net
SHARE