Waa Kuma Ciyaartoyga Ugu Dheer Ciyaaryahanada Kubbada Kollayga ee Adduunka !

Ciyaartooyga kubbada Kollayga ciyaara ee adduunka ayaa had iyo jeer lagu soo xullaa ama loo tixgaliyaa Dhererkiisa iyo awoodiisa Caafimaad, haddaba waxa dhawaan la shaaciyay ciyaaryahanka ugu dheer ciyaaryahanada Kubbada Kollayga ee guud ahaan Dunida, kaasi oo la sheegay inuu yahay wiil 16 jir ah oo u dhashay Dalka Romania.

Wiilkaasi oo magaciisa la yidhaahdo Robert Pobrosky, ayaa aad u da’yar waxaanu u saftaa kooxda kubbada Kollayga ee Dalka Maraykanka, dherarka wiilkan ayaa la sheegay inuu yahay 7 Feet iyo 7 Inch waxaanu sidaasi kaga dheeryahay ciyaaryahankii u dhashay Dalkaasi Maraykanka ee Libron James.

Ciyaartoygan ayaa la filayaa in dhererkiisu uu sii siyaado maadaama oo koriinka jidhkiisu wali socdo, sidaasina uu ku noqdo ciyaaryahanka ugu Dhererka dheer Ciyaartoyga Kubbada Kollayga, waxaanu ku noolyahay Gobolka Ohio ee Dalkaasi Maraykanka, waxanu kooxadaasi ka saftay kadib markii uu safar waxabarasho u tagay Dalkaasi Maraykanka sida Wargeyska Himilo kasoo xigtay wareysi uu wiilkaasi siiyay Tv-ga Fox 8 News.

Comments

comments

SHARE