Somaliland: Wejigii 1aad Ee Kaadh Qaadashada Gobolka Togdheer Oo Soo Dhamaatay,Qaybo Kamida Xaafadaha Magaalada Oo U Soo Bixiwaayey Iyo Xisbiyada KULMIYE Iyo WADDANI Oo Fadeexad Ka Raacday+Maxay Tahay?

127

Guud Ahaanba Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer Ayaa Waxaa Kasoo Dhamaaday Wejigii Kowaad Ee Qaadashada Kaadhadhka Cod,bixinta Oo Mudo Hal Todobaada Ka Socotay Guud Ahaanba Gobolka Togdheer

Qaadashada Kaadhka Codbixinta Ee Laga Bilaabay Magaalada Burco Ayaa Ahayd Mid Ka Duwanayd Goboladii Hore, Ee Laga Bilaabay Waxaana Xaasaasiyad Ku Abuuray Xisbiyada Kulmiye Iyo WADDANI Oo Iyagu Si Weyn Ugu Beletamaayay Codka Shacabka Gobolka Togdheer,Iyada Oo Ay Ka BilaabanTay Olole Joog Hoose Ahi

 

Gobolka Togdheer Oo Ay Hore Iskaga Diiwaan Geliyeen Dad Tiro Badani Isla Markaana Si Weyn Loogu Xisaabtamaayay Ayaa Mar Qudha Waxaa Is Bedeshay Jawigii Laga Filaayay, Kadib Markii Dadweynaha Gobolka Togdheer Qaarkood U Soo Bixi Waayeen Kaadh Qaadashada Codbixinta,Taas Oo Gaabis Weyn Ku Keentay Tiradii Laga Filaayay In Laga Qaato Gobolka,

Goobaha Ka Baxsan Magaalada Ee Ay Kamid Yihiin Tuulooyinka Iyo Dehmooyinku Ayaa Iyaga Si Weyn Looga Qaatay Kaadhka Codbixinta,Balse Waxaa Mar Qudha Is Bedeshay Markii Xaafadaha Barriga Magaalada Burco Ay Usoo Bixi Waayeen Kaadh Qaadashada Codbixinta, Taas Oo Loo Aanaynaayo Gobolka Oo Aanay Ka Jirin Wacyi Gelin Laga Sameeyay,Isla Markaana Komishanka Doorashooyinka Somaliland Aanu Ka Fulin Wacyi Gelin Ku Filaata Dadweynaha

Sidoo Kale Xisbiyada Kulmiye Iyo WADDANI Ayaa Shacabka Kaadh Qaadashada Kaga Mashquuliyay Xaflado Iyo Soo Dhoweyn Hadh Iyo Habeena Taas Oo Mid Waliba Ku Qabsanaayay Hotelada Ugu Waaweyn Gobolka Isla Markaana Ay Xafladahaasi Buux Dhaafiyaan Dayarta La Doonaayay Inay Qaataan Kaadhka Codbixinta

Sidoo Kale Xisbiyada Ayaa Dawarinaaya Dadka Qaatay Kaadhka Cod-bixinta Si Ay Uga Iibsadaan Kaadhka,, Iyaga Oo Shacabkana U Dhigaaya Lacag,Gaadhaysa Ilaa 25$,Taas Oo Aanay Ka War Hayn Masuuliyiinta Komishanka Doorashooyinka Ee Gobolka Togdheer,Balse Marka Aad Timaadid Goobaha Ay Ku Kulmaan Bulshadu Ayaa Si Weyn Looga Hadal Haya Sida Ay U Socoto Kaadh Iibsashada Xisbiyadu, Waxaanay Dadka Badidiisu Ku Hamiyayaan Inay Iibiyaan Kaadhkaasi, Taas Oo Dhaawac Weyn Ku Ah Shuruudihii Ay Kala Saxeexdeen Komishanka Doorashooyinka Somaliland Iyo Asxaabta Qaranku

Isku Soo Wada Duubo Kaadhadhkii Cod,bixinta Ee Shacabku U Soo Bixiwaayeen Ayaa Iyaga Oo Tuulan,Mar Kale Lagu Xareeyay Sanduuqyada Komishanka Iyaga Oo Ka Bad,baaday Inay Iibsadaan Xisbiyada Qaranku,Sidoo Kale Waxaa Amaan Iyo Bogaadin Lama Filaana Usoo Baxday Dhamaanba Shaqaalihii Komishanka Doorashooyinka Ee Lagu Kala Qoray Goobaha Iyaga Oo Fuliyay Amarkii Komishanka Doorashooyinka Isla Markaana Ka Fogaaday Musuq-Maasuq,

Comments

comments