Maalqabeenka Adduunka Ugu Da’da Yar Iyo Waayihii Uu Soo Maray ?

Majalada Forbes ayaa sanad walba soo saarta warbixin ku saabsan Maalqabeenada Adduunka iyo sidoo kale qiimaha hantida ee ay haytsaan, haddaba warbixin ay soo saartay dhawaan ayey ku cadaysay in ninka magaciisa la yidhaahdo Ivan Spiegel inuu yahay maal-qabeenka ugu Da’da yar Adduunka.

ivan ayaa waxa uu u dhashay Dalka Maraykanka waxaanay Da’diisu tahay 26 jir, waxaanu ku soo barbaaray Magaalada Pacific ee aadka u quruxda badan labada waalid ee wiilkan dhalay ayaa ah Qareeno ka hawl gala Dalkaasi, balse nasiib darro way kala tageen labadiisa waalid markii ay Da’diisu ahayd 16 jir ayaa waxa uu Aabihii u iibiyay gaadhi, intaasi kadibna waxa uu galay Dugsiga Stanford, haddaba xilligii uu waxbarashadaasi waday ayaa waxa uu la kulmay labadiisa saaxib ee ay haatan shuraakada yihiin ee magacyadooda la kala yidhaahado Reggie Brown iyo Bobby Murphy waxaanay ku guulaysteen inay soo saaran Adeega haatan dad badan oo inaga mid ahi isticmaalaan ee Snap Chat.

Comments

comments