Somaliland: Xildhibaan Gacan Oo Xukuumadda Ku Eedeeyey Inay Bulshada Ku Eegayso Sicir-bararka, Wasiirka Maaliyadana Dhaliilay

“Wasiirkii Maaliyaddu Madaxwaynihii Ayay Dul Fadhidaa, Mushaharkii Shaqaalahana Wali Lama Bixin” Xildhibaan Axmed Obsiiye

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye “Gacan” oo kamid ah golaha guurtida Somaliland ayaa si adag uga hadlay sicir bararka xadhkaha goostay ee dalka ka jira oo ku tilmaamay xildhibaanku Aafo Qaran.

Xildhibaanka ayaa sheegay in uu sicir bararku uu yahay aafo qaran oo saameeyey bulshadii Somaliland,waxaana uu carabka ku dhuftay in xukuumadda Somaliland ay ku fashilantay inay wax ka qabato sicir bararka.

Xildhibaanka oo ugu horeyn ka hadlay sicir bararkan ragaadiyey bulshada ayaa waxa uu yidhi sida tan

“Sicir bararkaasi aniga waxay ila tahay Aafo Qaran,Qarankana waxa ku habsaday abaar oo waxay ina badday aynu ogayn oo maanta dadkii la liito iyo sicir barar maanta wax alle waxaynu ku masaalno aynaan garanayn Aafo Qaran mooyaane oo Qaranka ku habsaday,waxay ila tahay kaasi waa mashaakilka ina haysta maanta. Qoys kasteba wuxuu doono ha qaato maaha wax ku filan maanta,30 Dollar hadduu qaato,5 Dollar haduu qaato iyo 20 haduu qaataba midnaba kuma filna,waayo wax la goyn karayaa ma jiraan heer xun buu inala marayaa kaasu,mashaakil badan baa ina haysta,dadkii bakhtibuu ku jiraa,abaartii wali lagama doogin dadkii reer Miyiga waxoogaa roob ahi waa u da’ay isaga oo waliba dhulka badankiisa abaar yahay galbeed tuskii hore mooyee wax kale oo ka da’ay aanu jirin,hadana mashaakilkaa sicir bararkaa inoogu darsamay,waxaynuna u aqoonsanaynaa aafo Qaran. Cidd aynu maanta uga cabano oo aynu nidhaahno wax haka qabatana garan mayno

Sidoo kalena xildhibaanku waxa uu shaaca ka qaaday in aan Baanka dhexe ee Somaliland aanu ku dhicin wax lacag ah oo Dollar ah,isaga oo ka dhawaajiyey in inta yare e kusoo dhacdana ay kala baxaan maamulka Baanka dhexe ee Somaliland waxaana uu yidhi.

“Baankeena hal Shilling oo Dollar ahi kuma dhaco,mashaakilka ina haysta,Dollar wax la yidhaa kuma dhacaan taas gunteedii waan gaadhnay,waxa yar ee soo gala waxa uu leeyahay Akoon gaar ah oo ay kala baxaan qolada maamulku ama talisku ayaa jira meel gaar ah ayay ku xidhaan sicir bararka lama dagaalami karaan,dekedeediina sadaqad ayay u bixisay oo maanta meel aynu u irkanno oo jirtaa ma jirto,waxoogaa ayaa inaga soo gali jirey dekeda,waxoogaagiina cidd bay siisay,markaa maanta xukuumadda inoo dhisani qof way korin kartaa laakiin Qaran ma korin karto,wax aan idhaahdo halkaas ayaynu u irkanaynaana ma jiraan maalin walbana way inagu sii kordhayaan. Maanta $10 (Tobankii Dollar) waxa lagu sarrifayaa 97 (Sagaashan Iyo Todoba) Shilling Somaliland ah,xagaynu markaa u kacaynaa,muxuu gooyaa se,mashaakiil ayaa ina haysta taas waxay ila tahay Alle mooye inaan cid kale oo aynu uga caban karnaa ma jirto,waxanna xukuumaddu way og tahay.”Sidaas ayuu yidhi xildhibaann Cagan

Geesta kale waxaa uu sheegay xildhibaanku inaan mushaharooyinkii wali aanay qaadan shaqaalihii dawladu,isaga oo ka dhawaajiyey in ay u xaniban yihiin wasiirka Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan oo uu sheegay inay dul fadhido madaxwayne Siilaanyo oo safar gaar ah ku jooga dalka Imaaraadka waxaana uu yidhi.

“Mee iminka wasiirkii Maaliyadda? Xagee ayuu jiraa?,waaka iska jooga Imaaraadka madaxwaynihii ayuu dul fadhiyaa xitaa mushaharaadkii golayaasha ilaa xiligaa lama gudbin,iyaday u xidhan tahay meel walba,mushkiladda ina haysataa waa mid aynaan ka dabaalan karayn,waxaan idinku sheego oo Aafo Qaran ahayna ma jirto,cidd aynu ula cabanaana ma jirto,laakiin waxaan is waydiinaynaa tolow codayn ma dhici doontaa,midhka aan is waydiinaynaa waa midhkaas,waayo aad baan uga baqa qabaa Laba Milyan oo tii doorashada lagu qaban lahaa ayaa hadhay,labaa milyana in la waayo ayaa suuro gal ah,markaa waxaan leeyahay saxaafadda bal hala soo jeedo uun,maanta waxaynu madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka waydiinaynaa waar doorasho ma dhacaysaa,wax kale oo aynu waydiinaynaa ma jirto”sidaas ayuu yidhi xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye.

Xildhibaanka ayaa dhaliilo xoogan usoo jeediyey guddiga Abaaraha heer Qaran,waxaana uu ugu baaqay inay lacagta ay ururiyeen ay raashin ku gaadhsiiyaan dadka ay abaaruhu caydheeyeen waxaana uu yidhi.

“Qoladan la yidhi guddiga abaaraha waxaan leeyahay waar dadkii wuu bakhtiyayaaye dadka raashin siiya,lacagtaan ururinaysaan xoolo aad siinaysaan ma jirto taa loomana qabo,laakiin dadkii tuulooyinka ayuu kusoo ururaye dadka raashin siiya oo lacagtan aad dadka shacabka ah ka ururiseen raashin siiya oo ugu badala,xoolo aad soo iibinaysaan oo aad dad gaadhsiinaysaan ma jiraane,Imisa ayaydun xoolo gaadhsiin?,dhawr Milyan oo qoys ayaa barakacay oo aan neef xoolo ah haysan ma gaadhsiin kartaan,waar raashin ugu badal oo siiya”sidaas ayuu yidhi xildhibaan Gacan.

Gabagabadiina xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye “Gacan” waxa uu si adag ula hadlay wasiirka Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan oo uu sheegay in dalku uu iyada u xidhan yahay,isaga oo sidoo kalena fariin u direy wasiirada xukuumadda iyo ganacsatada reer Somaliland,waxaana uu yidhi sida tan.

“Wasiirka Maaliyadda waxaan leeyahay dalku aduu kuu xidhan yahay,cid kale oo uu u xidhan yahay ma jirto,Laba Milyan oo Dollar oo aad sicir bararka kula dagaalantana maad waayin,tii aad Imaaraadka kasoo qaadeen ayaad haysaan oo akoonada idiinku xidhan,dadkiina u naxariista,doorashad umadda ayaa shaqo ku leh doorashada gacantoodana iyagaa leh,laakiin idinku ma lihidin wasiirada hadaad tihiin xilkiina kasoo baxa laydiin igmaday,ganacsataduna maanta naxariis ma leh wax alle wax aan kuwaa ugu baaqayaa ma jirto,laakiin sidooday u kala waa wayn yihiin waxaan leeyahay dunida waxbaa kasoo hadhaya wax kale oo aan idin odhanaynaa ma jirto”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay xildhibaan Axmed Maxamed Obsiiye oo kamid ah mudanayaasha golaha guurtida Somaliland.

Ugu danbayntiina dhawaaqan maanta kasoo yeedhay xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye “Gacan” ayaa kusoo beegmaya xilli uu dalka ka taagan yahay sicir barar xadhkaha goostay oo ay xukuumadda Somaliland-na ku fashilantay inay wax ka qabato taas oo ilaa hadda maaro loo waayo.

Comments

comments