Somaliland: Wasiir Sacad Oo ka Hadlay War Ay Jabuuti Dhibsatay Oo Laga Soo Xigtay Baashe Cawil Iyo Xaaladda Caafimaadka Madaxwayne Siilaanyo.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay hadal sheegay in laga soo xigtay wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Baashe Cawil oo nuxurkiisu ahaa inay Djabuuti ka danbaysay cabashooyin uu madaxwaynaha Somaliya Mr Farmaajo uu u gudbiyey Sucuudgia oo ka dhan ah saldhiga Milateri ee Berbera laga siiyey Imaaraadka Carabta.

Baashe Cawil oo u waramay warbaahinta Newsweek Middle East wuxuu sheegay in Djabuuti doonayso inay kooto ku haysato saldhigyada Milateri ee shisheeye ee gobolka Geeska Afrika,dawlada Jabuuti ayaa la sheegay inay dhibsatay dhawaaqaas,waxaana ay cabasho ka dhan ah hadalkaasi u gudbisay wafti ka socda xukuumadda Somaliland oo hadda ku sugan,Hase’yeeshee wasiir Sacad oo u waramay wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay inaan lahayn cadayn ku saabsan in Baashe Cawil hadalkaasi yidhi balse la hayo in laga soo wariyey,waxaana uu sheegay in Djabuuti raali ka tahay horumar kaste oo ay Somaliland gaadho,wasiir Sacad sidoo kale waxa uu sheegay in xaaladda caafimaad ee madaxwaynaha Siilaanyo wanaagsan tahay,waraysigaasi uu Geeska Afrika la yeeshay wasiir Sacad ayaa waxa uu u dhacay Sida tan

Su’aal:- Safar baad ku tagteen dalka Jabuuti,waxaanad la kulanteen madaxwaynaha Jabuuti ee waxyaalaha ugu muhiimsan ee aad kawada hadasheen maxaa kamid ahaa?

Jawaab:-Waa dhab oo safar baan ku tagnay dalka Jabuuti,waxaanan la kulanay madaxwaynaha Jabuuti,waxaanan ka wada hadalnay sidii ay labada dal iskaga kaashan lahaayeen dhinaca dhaqaalaha,dhinaca amaanka dhinaca siyaasadda iyo wax walba oo aynu iska kaashan karno ama iska caawin karno,waxaynu nahay Jabuuti dal aynu jaar nahay oo aynu walaalo nahay si fiicana wey noo soo dhaweeyeen,waxaana ku rajo waynahay inay dalkeena dhawaan iman doonaan wafti culus oo ka socda dalka Jabuuti.

Su’aal:- Majaladda Newweek Middle East todobaadkan waxay baahisay waraysi uu bixiyey safiirka Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil,kaas oo sheegay inaanay Jabuuti raali ka ahayn saldhiga Milateri ee Berbera,kootana ay doonayso inay ku haysato saldhigyada Milateri ee mandaqadda Geeska,xilli aad idinku booqashada ku tagteen dalka Jabuuti,markaas maxay kula tahay?

Jawaab:-Ilaa hadda war xaqiiqo ah oo ku saabsan warbixintaas la baahiyey ma hayno,waxaynu haynaa oo qudha in warbixintaas laga soo weriyey wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Baashe,balse aniga ilama ah inuu sidaasi odhanayo ,ta kale dalka Jabuuti waa dal aynu jaar nahay oo ma filayo inay horumarkeena diidan yihiin,cadawna ku yihiin inay ku farxaan mooyee waxii horumar ah ee inoo soo kordha ama deked ha noqoto ama saldhig Milateri ha noqotee inay dawlada iyo dadka Jabuuti inagu bogaadiyaan mooyee marnaba ma muuqato in ka xumaanayaan.

Su’aal:-Labadii heshiis ee dekeda iyo Saldhiga Milateri,labadaba waxa ku jiray mashruuca Berbera Koori-dhoor ee maxay kala yihiin labadan heshiis?

Jawaab:- Waa dhab oo heshiiskii dekeda Berbera ee shirkada Dp World wuu ku jiray,heshiiskana wuu ku jiray balse waa laba heshiis oo kala duwan,heshiis wuxuu ahaa in la sameeyo wadada Berbera ilaa Wajaale iyo madaar cusub oo caalami ah,heshiiska kalena waxa uu ahaa heshiis farsamo markaas sidaas ayey ku kala duwan yihiin.

Su’aal:-Mudooyinkii u danbeeyey madaxwaynaha Somaliya arrimaha Somaliland aadbuu uga hadlayey,waxaanuu ugu danbayn sheegay in shacabka soomaaliyeed ka tashan doonaan wixii laga yeelayo saldhiga Milateri ee Berbera markaas sidee ayaad u aragtaa hadalkiisa?

Jawaab:-Farmaajo inuu xaq-dhawro oo ixtiraamo Somaliland ayaa la gudboon,balse sidii loo doortayba waxa muuqda inuu aad ugu hadlayo Somaliland,waxaana cad inuu daan-daansi wado ee Farmaajo waxaan leeyahay cago-dhigo oo malaa waxaad doonaysaa in Somaliland iyo Somaliya isku dhacaan ee ina kala badbaadi oo jaarnimada ixtiraam ,adiga oo halkii lagugu doortay ka talin la’ oo amaankeeda iyo xasiloonideeda sugi kari la’faraha hala soo galin Somaliland,hore ayaanu ugu hungownay Somaliya ee dib uma soo socono ee haku daalin,dekeda Berbera iyo saldhiga Milateri iyo wax walba oo ku saabsan arrimaha Somaliland waxba lagaa su’aali mayo cidina waxba ku waydiisan mayso.

Su’aal:-Somaliland iyo Somaliya oo dhawr jeer wada hadlay hakad baa ku yimid markii Xasan Sheekh Maxamuud Somaliya madaxwaynaha ka ahaa,Farmaajana aad buu ugu soo celceliyey wada hadalada makula tahay in wada hadaladaasi la bilaabayo?

Jawaab:-siday wax noqon alle ayaa og,laakiin Farmaajo hadii uu doonayo inay wada hadaladii halkoodii kasii socdaan waxa u Sharaf ah inuu hadalada meel ka dhaca ah ee lidka ku ah wada hadalada joojiyo ,ujeedada wada hadaladu maaha sidii ay dib iskugu soo noqon lahaayeen Somaliya iyo Somaliland ee waa sidii aan u cadayn lahayn cid walbana ugu qancin lahayn inay Somaliland markii horena ay ahayd dal madax-banaan oo aanay u socon Somaliya inay mar dambe la midowdo,waxaanu ka qoomamaynaa markii aanu isku darsanay ,balse qadar ayay ahayd laakiin Alle mahadii dib ayaanu ula soo noqonay xorriyadayadii.

Su’aal:-Waxa la sheegayaa inuu madaxwaynuhu xaaladd caafimaad u joogo Imaaraadka Carabta,xukuumadduna qarinayso inuu madaxwaynuhu halkaas xaalad caafimaad u joogo markaas maxaa ka jira?

Jawaab:-Wax walba Illahay gacantiisa ayay ku jiraan hadii ay xanuun tahay iyo hadii ay caafimaad tahayba,balse waxa hubaal ah in madaxwaynuhu caafimaad qabo,Alle-na waxaan ugu baryayaa cimri dherer.

Su’aal:-Safiirka Maraykanka E Somaliland Iyo Somaliya waa markii ugu horeysay ee uu socdaal ku yimaado dalka Somaliland ee ka waran socdaalkiisa?

Jawaab:-Waa dhab oo waa markii ugu horeysay oo safiir Maraykan ah dalkeena yimaado,waxaana xaqiiqo ah inuu aad ugu bogay hanaankeena,horumarkeena iyo waliba xasiloonideena iyo heerka aynu ka gaadhnay Dimuqraadiyadda iyo heska balaadhan ee aynu dhinac kasta la gaadhnay inaga oo aan wali Beesha Caalamka ka helin aqoonsi caalamiya,waana uu ina dhiirigaliyey.

Su’aal:-Gobolada Maroodi-jeex iyo Togdheer ayey ka bilaabmatay qaadashadii kaadhadhku,waxaanad moodaa inay gaabis tahay markaas waxaad dadka ku gubaabinaysaa?

Jawaab:-Qofku isaga ayaa xor ah oo xisbigu doono oo codayn kara,laakiin muhiimadu waxa weeye in kaadhka qof walba oo is diiwaangaliyey uu qaato, si uu doorashada u galo,mana haboona inuu dayaco fursad uu ku codayn lahaa.

Comments

comments