Halista Caafimaad Ee Ay Sababaan Biyaha La Cabo Cuntada Kadib !

Dad badan oo inaga mid ah ayaa waxay caado u leeyihiin inay cabbaan biyaha marka ay cuntooyinka culus cunaan isla markaana ay dharag badan dareemaan, iyaga oo aan ogeyn in arrintaasi ay dhibaatooyin dhinaca caafimaadka ah ay leedahay, habdhaqankan ayaa waxa uu sababaa in habdhiska dheefshiidku uu shaqadiisa si toos ah u gudan waayo, isla markaana waxa kor u kaca sonkorta dhiiga,

Deraasaddo badani cadeeyeen in cabbista biyaha ee xilliyada cuntada ka hor iyo cuntada kadib ba ay dhibaatooyin  badan sababaan waxa aanay caadada noocaasi ahi ka hor istaagta habdhiska dheefshiidka inuu sii daayo dheecaanka burburiya cuntada waxaanay arrintaasi leedahay jidhka ku yeelanaysa saamayn dhinaca caafimaadka ah.Waxa kale oo ay caadadaasi sababtaa inuu qofku dibiro, waxa kale oo ay sababtaa Laab Dillaaca ay dad badan oo  inaga mid ah ka cawdaan, haddaba si aad uga dheeraato dhammaan dhibaatooyinkaasi aynu soo sheegnay oo dhan waxa habboon in aad cunista cuntada iyo cabbista biyaha u dhexaysiiso muddo yar oo kooban sida 15 daqiiqo oo kale si aad uga nabad gasho dhibaatooyinka dhinaca Hab dhiska dheefshiidka ee aynu soo sheegnay.

Comments

comments