Yaab: Brazil Gabadh Yar Oo Dhalatay Iyada Oo Soconaysa !

29

Gabadh yar oo ku dhalatay mid ka mid ah dhakhtarada dalka Brazil ayaa yaab iyo amakaag ku riday kalkaalisooyinkii Caafimaadka ee ku sugnaa halkaasi kadib markii ay socd bilawday wax yar kadib markii ay dhalatay.

Arrintan ayaa noqotay arrin aad looga daawaday Muuqaal la soo galiyay Baraha Bulshada kaasi oo qof ka mid ah Dadkii halkaasi ku sugnaa uu duubay muuqaalkaasi oo muujinayay in ilmaha yar ee dhashay markii ay Kalkaalisadii Caafimaad damacday inay u maydho ayey ka biyo diiday oo ay isku dayday in ka carrarto, taasoo noqotay dhacdo aad u layaab badan oo ilaa iyo haatan aan wax maarayn ah loo haynin.

Comments

comments