Somaliland: Akhriso Dhawr Qodob Oo Beesha Caalamka Iyo Midowga Afrika Uga Cago Jiidayaan Aqoonsiga Somaliland

32

Warbaahinta National Public Radio (NPR.Org) ee fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa falanqaysay sababaha Somailand ictiraaf caalamiya u heli wayday 26 sanadood kadib marki ay 1991 xorriyadeeda kala soo noqotay midowgii 1960 ee Somaliya.

Warbixinta NPR oo lagu waraystay Wasiirka Arrimaha DIbada Somaliland Dr Sacad Calii Shire oo Washington ku sugan iyo khuburo kale ayaa lagu soo bandhigay dhawr sababood oo dunidu uga cago jiidayso aqoonsiga iyo madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland.

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Somaliland leedahay wax kaste oo looga baahan yahy dal,isla markaana ay tahay dal Dimuqraadiya oo shaqaynaya kaas oo leh ciidamadiisa,Lacagtiisa,,Calankiisa iyo ciidiisaba isla markaana qabsaday doorashooyin soo noqnoqada laakiiin waxa kaliya ee ka dhima uu yahay Iciraaf ay helaan.

Bronwyn Bruton oo ah madaxa barnaamjyada io cilmi baadhista ee hay’adda Africa Center At The Attanic Council oo ka shaqaysa isku xidhka siyaasadaha iyo qorshaha arrimaha Afrika iyo Yurub iyo Ameerika ayaa sheegtay I ay jiraan dhawr sababood oo aanay AU-da iyo dalalka awoodda leh uu jelayn aqoonsiga Somaliland.

“Bulshadu dhawr arrimood dartood ma xiisaynayaan inay Somaliland u aqoonsadaan Qaran cusub qodobka koowaad waa Danayn la’ana ,Somaliland ma leh Saliid ama Shiidaal iyo khayraad kale si ay jilayaasha caalamiga ahi u daneeyaan Somaliland,Arirnta Labaad waxa weeyey Rumaysnaan ah in aqoonsiga Somaliland Curyaaminayo dadaalada Beesha Caalamku ku doonayso in ay Somaliyada ay Somaliland ka goday ugu dhisto dawlad shaqaynaysa.Ugu danbaynta Midowga Afrika mad oonayo in uu dhiiri galiyo dhaq-dhaqaaqyo madaxbanaani doon ah qaybaha kale ee qaaradda guud ahaan”sidaas ayey tidhi Mr Bronwyn.

Waxa ay intaasi sii raacisay sida Beesah caalamu ugu hawlan yahya Dhisida dawlada Somaliya

“Beesha caalamka oo ay hoogaaminayaan Maraykanka iyo Ingiriisku waxay wakhti badan iyo dadaal badan galiyeen in ay isku dayaan inay Muqdisho ka dhisaan dawlad,Waxaanay ua rkeen in hadii Somaliland laga saaro ay xaaladd xun ku noqonayso dawlada Curdinka ah ee Somaliya”Sidaas ayey tidhi Bronwyn Bruton.

Bronwyn Bruton oo aqoon badan u leh Afrika siiba Somaliland iyo Somaliya ayaa sheegtay in Somaliland taha sidii jasiirad ku talaa badda qalalaase ka jiro,badda oo ay u jeedo Somaliya.

“Reer Somaliland waxay sameeyeen Kiis wax ku ool ah sababtoo ah waxay ahaayeen maxmiyaddii Ingiriiska maahayn Somalidii Talyaaniga,xaqiiqdii waligood Somaliya qaayb kamay ahayn sidaas darteed xaq bay u leeyihiin in la kala saaro”sidaas ayay tidhi Bronwyn. Waxaana ay intaasi raacisay in labada Dal is raaceen 1960-kii.haddana kala bixidooda ay Afrika ka warwarsan tahay in ay horseedo Khatar dhaqdhaqaaqyo xorriyad raadis ah.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayey warbaahinta NPR ku tilmaamay inuu muujiyye dhako faar ama kaniyad jabay habka Beesha caalamku ula macaamilayso iyo caqabadaha Somaliland ka haysta Ictiraaf la’aanta,waxa uu sheegay in Somaliland mucaawimo u wayday abaarihii ku habsaday isagoo sababta ku sheegay “Tusaale ahaan ururada Samafalka Maraykanku waxay eegayaan bogga talada waaxda arrimaha dibada ee Maraykanka waxaanay arkayaan waxa Somaliland laga sheegayo laakiin xaqiiqda Somaliland taalaa way ka duwan tahay Taas”ayuu yidhi wasiirka oo sheegay in ay gaabis tahay taakulada ay helaan “Waxa naloola dhaqmay si aan cadaaladd ahayn”ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire.

Dooda ay soo bandhigtay Bruton oo Afrika khabiis ku ah ayaa u mamrag furaysa hadal uu dhawaan sheegay wasiir Sacad Cali Shire oo ah in kuwa Guul-daraystay (Somaliya) beesha Caalamku abaalmarinayso kuwa guulaystay (Somaliland-na) la ciqaabayo.

Comments

comments