Wenger oo maanta la kulmaya maamulka Arsenal

29

Maanta ayaa la filayaa in la go’aamiyo mustaqbalka tababare Arsene Wenger ee kooxda Arsenal sida la baahiyay.

ESPN ayaa daaha ka qaaday in tababare Arsene Wenger uu maanta kulan la qaadan doono maamulka Arsenal kaas oo lagu go’aamin doono inuu sii joogo kooxda.

Qandaraaska tababare Wenger ee kooxda Arsenal ayaa dhacaya dhamaadka bisha June, balse waxaa la filayaa in maanta uu ogolaado inuu saxiixo heshiis 2-sano ah.

 

Bilooyin ka hor ayaa loo soo bandhigay Arsene inuu saxiixo heshiis 2-sano ah, balse tababaraha ayaa ka gaabsaday si uu u ogaado xaalka kooxda ee dhamaadka xiliciyaareedka.

Gunners ayaa ku guul daraysatay inay u soo baxdo Champions League markii ugu horaysay tan iyo markii uu qabtay tababaraha reer France laakiin wuxuu u gacan galiyay koobka FA Cup-ka.

Comments

comments