Hoggaamiyaha Jarmalka Oo Sheegtay In Aanu Midowga Yurub Ku Kalsoonaan Karin Maraykanka Iyo Ingiriiska

24

Haweenayda Hoggaamisa dalka Germany Angela Merkel ayaa sheegtay in la gaadhay xiligii ay isku tashan lahayd qaarada Yurub, kadib shirkii G7 ee kusoo dhamaaday fashilka.

Merkel ayaa ku tilmaamtay shirkii Jimcihii iyo Sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay jasiirada Sicily ee dalka Talyaaniga, mid digniin u ahaa dalalka Midowga Yurub.

Shirkaasi ayaa ku dhamaaday is afgarad waa kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu diiday inuu saxiixo heshiisyadii hore ee la xariiray illaalinta bey’ada iyo ganacsiga furan ee ka dhaxeeya dalalka horumary, isagoona sheegay inuu u baahan yahay wakhti dheer oo uu kasoo fekero.

Angela Merkel ayaa sheegtay in dalalka Midowga Yurub ay arrintan cashar u tahay isla markaana loo baahan yahay wadamada Midowga Yurub inaysan ku tashan taageerada Maraykanka iyo dalka UK ee isaga baxay EU-da, balse loo baahan yahay inay sameystaan qorshe u gaar ah oo ay ku difaacanayaan mustaqbalkooda.

Ms.Merkel oo la hadlaysay taageerayasheeda oo Axadii shalay isugu soo baxay magaalada Munich ayaa sheegtay in ay wax badan kasoo kororsatay shirkii dalalka G7.

Comments

comments