Andrea Barzagli oo fariin u diray asxaabtiisa kooxda ka hor Final-ka Champions League

87

Daafaca kooxda Juventus ee Andrea Barzagli ayaa fariin u diray asxaabta kooxdiisa ka hor kulanka Real Madrid ee Final-ka Champions League.

Andrea Barzagli ayaa uga digay ciyaartoyda kooxdiisa inay is liidaan kulanka Real Madrid, wuxuuna sheegay inay waajib tahay difaacida sharafta Juventus.

Wuxuu intaa sii raaciyay in kooxdiisu ay u qalantay inay laba Final ka soo muuqato 3-sano gudahood, wuxuuna sheegay in markaan ay aad ugu baahi qabaan ku guulaysiga koobka horyaalada yurub.

“Sifiican ayaan u garanaynaa qiimaha kooxdaan, waa inaan sifiican u ciyaarnaa, 3-sano gudahood ayaan soo gaarnay laba jeer Final-ka Champions League taasna waa mid aan u qalanay” ayuu yiri Andrea Barzagli.

“Wax walba oo karaankeena ah ayaan samayn doonaa Final-kaan, waxaan rajaynayaa inaan taageero badan ka heli doono taageerayaasha kooxdeena ee aduunka oo idil”.

“Waxaan ku guulaysanay xiliciyaareed kaan horyaalka iyo Coppa Italia, haatan waxaan tabaynaa koobka ugu muhiimsan”.

Comments

comments