War Deg Deg Ah: Xanuunka Shuban Biyoodka Oo Iminka Dad Ku Laayey Deeganada Sheekh + Xukuumadda Oo Indhaha Ka Xidhatay

20

Xanuunka shuban biyoodka oo maalmihii ugu danbeeyey si xawli ah ugu faafaayey gobalka Togdheer ayaa waxaa uu laba qof ku dilay deeganka Beer oo dhinac bari Burco ka xigta iyo deeganka Sheekh.

Masuulyiinta Gobalka Togdheer oo isku jira Badhasaabka , Taliyaha Baaliska , Taliyaha Asluubta iyo isku duwaha wasaarada caafimaadka ayaa waxaa ay shacabiga gobalka Togdheer ugu baaqeen in ay ka feejignaadaan xanuunkaas shuban biyoodka oo ay sheegeen in uu yahay xanuun dilaa ah

Dhinca kale Waxa ay Ugu Baqeen Haayadaha Caalamiga ah,Xukumada iyo Cid Kasta Oo Kaalin ka Qaadan karta Sidii Loo Cidhib-tiri lahaa Xanunkani inay Door Muhiim ah ka qataan

Cudurka Xanuunka Shuban Biyoodka ayaa Tan iyo Maalintii shalay ahayd Waxa Uu si Xaad dhaaf ah ugu Soo Badanayay Gudaha Magalada Burco

Isha Ku Hay Shabakadda Wargane Updet 24 Haurs

Comments

comments