Waddan Muslim Ah Oo Mudada Lagu Jiro Bishan Ramadaan Mamnuucay Kiisaska Furriinka Ah Ee Ay Qoysasku Ku Kala Tagaan Iyo Baaqa Culimada

63

Shalay oo Axad ahayd waxa waddanka Carbeed ee Falastiin laga soo saaray go’aan sharci oo sheegaya in aanay dawladda dalkaasi aqbali Karin in mudada lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan dhici Karin kiisaska furriinka ah ee ay qoysasku ku kala tagaan iyada oo gabi ahaanba maxkamadaha waddankaasi joojiyeen in ay qaadaan wax kiis ah oo furriin ah mudada lagu guda jiro Bishan Barakaysan ee Ramadaan sidaana lagu amray dhammaan qaadiyada culimada ah ee qoysaska isku guurka kalana fura oo lagu amray in aanay kala kaxayn lammaane doonaya in ay kala tagaan bishan Ramadaan iyaga oo ku sababeeyey sidii loo xakamayn lahaa xasaasiyadda arrinkaasi leedahay gaar ahaan dadka soomman.

Go’aankan oo soo jiitay warbaahinta adduunka iyo taan gaar ahaan dalalka Carabta waxa shalay kaga dhawaaqay dalkaasi Falastiin qaadiga ugu weyn dalkaasi ee dhinaca sharciga Sheekh Maxamuud Al-habaash oo qaraar uu arrinkan ka soo saaray ku socodsiiyay dhammaanba maxkamadaha shareecada ee dhinaca arrimaha bulshada iyo guud ahaan xafiisyada qabta adeegga sharci ee dhinaca dhaxalka, guurka, furriinka iyo guud ahaan arrimaha qoyska oo loo yaqaano (Ma’duun Al Sharci). Maxamuud Al-bahaash ayaa go’aanka uu arrinkan ka soo saaray ee ay la qaateen culimada iyo qaadiyada dalkaasi waxa lagu sheegay in aan la diiwaan galin Karin lana qaban Karin wax kiis ah oo la xidhiidha arrimo furriin oo ay ku kala tagayaan laba qof oo is qabaa ha noqdaan kuwo meherka ku kala noqonaya ama kuwo reero isku ahaa oo sidaa ku kala tagayaa, waxaanu go;’aankaasi kaliya shaqayn doonaa muddada lagu jiro Bishan Barakaysan ee Ramadaan. Sheekh Maxamuud Al-bahaash oo ah qaadiga guud ee dadka reer Falastiin waxa uu go’aankan ay isla qaateen maxkamadaha ku sheegay mid lagu xakamaynayo furriinka looguna tudhayo dadka soomman ee uu saamaynta ku yeelanayo furriinkaasi iyo sidoo kale sidii hoos loogu dhigi lahaa gal-dacwadeedyada furriinka ah ee sida xad dhaafka ah ugu soo qulqula maxkamadaha iyo qaadiyada dalka. Waddanka Falastiin ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah dalalka ugu guursiga badan uguna furriinka badan dalalka carbeed iyo guud ahaan islaamka iyada oo la sheego in dacwadaha furriinka ahi aad ugu badan yihiin maxkamadaha dalkaasi taasi oo keentay in qoysas badani maalin walba qaadiyada hortooda ku burburaan halka dhinaca kalena uu guurku badan yahay iyo waliba taranka caruurtu.

Comments

comments