Waddan Carbeed Oo Qorshaynaya In Uu Magaalo Dhan Oo Dalxiis Laguna Noolaan Karo Ka Dhisto Xiddigta Hawada Sare Ee Maaris (Mars)

70

Waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa soo jiitay dadka adduunka ku nool ee jecel in ay wax badan ka ogaadaan sidoo kalena u baxaan hawada sare iyo meerayaasha kadib markii ay xukuumadda dalkaasi toddobaadkan si rasmi ah daboolka uga qaadday in ay qorshaynayso sidii ay magaalo dalxiis loo tago uga dhisan lahayd meeraha sare ama Xiddigta Maaris (Mars) loo yaqaano, mashruucaasi oo ay ku sheegeen in uu ka mid yahay mashaariicda u qorshaysan in ay dawladda dalkaasi fuliso sannadaha soo socda.
Wali tafaasiil waaweyn kama ay bixin xukuumadda waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu qorshahan layaabka leh ee ay ku dhawaaqeen kaasi oo dirba soo jiitay maalqabeenno, dalxiisayaal iyo dadweyne kala duwan oo adduunka ku kala nool kuwaasi oo jecel in ay mashruucaasi ka faa’iidaystaan haddii wakhtigu ku simo. Qorshahan Imaaraadka Carabtu ku dhawaaqay ayay ku sheegeen in uu yahay qorshaha mashaariicda qaran ee ay filayaan in ay sameeyaan 70-ka sano ee soo socda sida uu ku soo warramayo wargeyska caanka ah ee Daily Mail oo arrinkan layaabka leh wax ka qoray.
Saciid Qarqaawi oo ah madaxa Mashruuca dhismaha magaalada Imaaraadku ka dhisanayo mustaqbalka Meeraha sare ee Maaris ayaa wargeyska Daily Mail u sheegay in dalkiisu qorsheeyey miisaaniyaddii ku bixi lahayd magaaladaasi dalxiis ee Meeraha cas laga binayn doono isaga oo sheegay in qorshahaasi socon doono muddo sannado ah, ayna rumaysan yihiin in ay ka lib keeni doonaan hirgelinta mashruucaasi ballaadhan oo noqon doona sida uu hadalka u dhigay kii ugu waynaa ee abid lagu tago meerayaasha hawada sare tan iyo intii uumiyuhu u baxay aqoonna u yeeshay meerayaasha hawada sare.
Saciid Qarqaawi oo arrintaasi faahfaahinayaa waxa uu yidhi: “Dawladda Imaaraadka Carabtu waxa ay ku dadaalaysaa in ay xaqiijiso himiladaasi weyn ee aan qabno. Waa mashruuc dawlad iyo shacabba Imaaraadku doonayo in uu gaadho adduunka kalena wax weyn ugu filaan doona. Waxa jira tartan dhinaca hawada sare ah oo muddo badan u dhaxeeyey dalalka quwadaha waaweyn annana in aan soo galno tartankaasi oo aan waliba dhinaca arrimaha bulshada ka soo galnaa waa noo sharaf iyo qiimo weyn. Waxaan doonaynaa in aan hawshaasi kala shaqayno oo aan kaashano wakaaladda Hawada sare ee Maraykanka ee NASA loo yaqaano” ayuu yidhi Sheekh Saciid Qarqaawi oo arrinkan layaabka leh ka hadlayay.
Waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta oo ka mid ah dalalka carbeed ee ugu hodansan ayaa isagu waxa uu wakaaladdiisii ugu horraysay ee dhinaca hawada sare sameeyey sidoo kalen ahawl galiyay sannadkii 2014 waxaanu ka mid yahay dalal doonaya in ay saamayn ku yeeshaan tartanka hawada sare ee lagu ogaanayo laguna degayo meerayaasha hawada sare. Waxaanay dawladda Imaaraadku si rasmi ah ugu dhawaaqday bishii February ee aan soo dhaafnay in ay xiisaynayso mashruuc ay doonayso in ay ku degto meeraha Maaris kulankaasi ay kaga dhawaaqday mashruucan oo ka dhacay Magaalada Dubai waxa goob joog ka ahaa wakiilo ka socday in ka badan 138 waddan waxaana si rasmi ah mashruucaasi ugu dhawaaqay sheekh Maxamed Binu Raashin Aal Maktuum oo ah ku xigeenka Madaxweynaha Imaaraadka ahna Amiirka Imaaradda Dubai oo ah nin aad u jecel kolba in uu xaqiiqjiyo arrimo mucjiso ah.

Comments

comments