Somaliland: Milicsiga Waraysigii Axmed Siilaanyo Ee BBC-da Ee Gudo-galkii Burco 27 May 1988

37

Jimcihii taariikhdu ahayd 27kii May sannadkii 1988kii waxay ahayd maalin taariikhi u ah halgankii ururkii SNM iyo shacbiweynihii taageerayey ay kaga soo horjeesteen, afkana ugu rideen nidaamkii Cabudhinta iyo cadaadiska ee xukunkii Keli-taliska ahaa ee Soomaaliya.
27 May oo ay SNM Burco soo gashay iyo 31 May oo ay Hargeysa kaga hilaacisay, Waxay ahayaayeen laba maalmood oo fure u noqday guushii SNM ka gaadhey Halganka iyo gobanimada caamka ah ee maanta Somaliland ku nooshahay. Dhinaca kalena, maalmo bilow u ahayaa burbur, barakac, qax, qaxootinimo iyo dhiig badan oo daatay, soona afjaray baqdintii, bandowgii, xadhiggii, xukunkii iyo xabsigii sharcidarrada ahaa, xoog sheegashadii, kufsigii, hanjabaaddii, haddidaaddii iyo cadaadiskii lagu hayey shacabka Somaliland in badan oo ka mid ah.

Gulufkii xooggagii SNM ku soo galeen magaalada Burco 27kii May 1988 iyo kii xigey ee 3 maalmood kadib ay kaga hillaaceen magaalada Hargeysa oo ahaa kuwo lama filaan ah oo aan noocooda hore loo arag, waxay kaga seleliyeen caalamka oo dhan oo mar qudha dhegaha wada taagey. Waxa lagu masaali karaa dagaal ka dhacay qol mugdi ah gudihii, dadkii maqlay in meesha wax ka dhaceenna ay dibadda tuban yihiin oo ay sugayaan cid uga warranta waxa meesha ka dhacay iyo sida waxa uga dhacayaan. Dhibaatadaasi waxay haysatey dadka u dhashay goboladan ee ku kala filiqsanaa Soomaaliya inteeda kale iyo dunida dacaladeeda.

Dalka kama jirin saxaafad madax bannaan, lamana ogolayn in suxufiyiin caalami ahi dalka yimaaddaan. Xorriyadda hadalka iyo xog is weydaarsiga ayaa ahaa xaaraan oo aan la ogolayn, is-gaadhsiintu noockasta oo ay noqoto waxay gacanta ugu jirtey dowladda, si xor ahna looguma wada xidhiidhi karayn, is-aaminka dadka dhexdiisa ayaa xumaaday, mana jirin qof-qof kale wax u sheegi karayey. Sidaa darteed, isha keliya ee warar madax bannaan oo xor ah laga heli jirey waxay ahayd BBC-da, laanteeda Afka Soomaaliga oo inkasta oo aanay si xor ah dalka dhexdiisa uga warrami karayn, aanayna tegi karayn magaalooyinka dagaaladu ka socdeen ee warkooda loo oomanaa haddana, waxay fursad u siisay SNM iyo dowladdii Muqdishoba inay tebiso wararkooda iyo inay waraysiyo kala yeelato xaaladdu hadba meesha ay marayso.

Meelihii ugu waaweynaa ee ay SNM ku guuleysateyna waxaa ka mid ahaa isticmaalka warbaahinta dibadda iyo inay dadkeeda dunida dacaladeeda si joogta ah u waraabiso, iyaga oo isticmaalaya warbaahinta kala duwan ee Caalamka. Waxa la xasuusan karaa waraysiyadii BBC-du la yeelan jirtey Hoggaankii SNM xilligaas ee sida roobka u doojin jirey niyadda shacbigii taageersanaa SNM ee ku noolaa dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ku noolaa, niyadjabka iyo dhamacda rasaaseedna ku ahaa taliska iyo intii taageersanayd.

Waraysigan soo socda oo ay BBC-du la yeelatay Guddoomiyihii SNM ee xilligaas, mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, Isniintii bisha May ahayd 30 1988kii, saddex maalmood kadib gudagalkii magaalada Burco ayaa ka mid ahaa waraysiyadaas sida roobka u ahaa shacbigii SNM. Siilaanyo oo hadda ah Madaxweynaha Somaliland, Waraysigan waxa uu kaga jawaabayey war ay dowladdii Siyaad Barre ka soo saartay Muqdisho oo ay ku sheegtay weerarkii SNM ee Burco, fal ay fulisey kooxyar oo budhcad ah oo ay sheegeen inay laayeen dad rayid ah, hantidoodana boobeen, isla markaana ciidamadu ay sugayaan ammaanka magaalada, gacantana ay ku hayaan.
Waraysigaasi markii uu dhammaaday kadibna, waxay Idaacaddu sheegtay war degdeg ah oo ay sheegtay in Guddoomiyaha SNM, Axmed Siilaanyo oo markaa joogey London, dalka Ingiriisku uu u sheegay in Ciidamada SNM ay gacanta ku dhigeen magaalada Hargeysa, Salaasadii, iyada oo sida muuqata Waraysigan ay ku baahisey BBCdu barnaamujkeedii Caanka ahaa ee Toddobaadka iyo Afrika oo ka bixi jirey idaacadda Arbaca kasta.
Haddaba, waraysigaas oo uu soo helay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu u dhacay sidan:

Goormaad qabsateen magaalada Burco, Sidee ayaadse u qabsateen?

Horta magaalada 29-kii Bisha lama qabsan ee bisha 28-keedii ayaa si buuxda loo qabsaday. Duulaanku wuxuu ku dhacay muddo badanba SNM waa tii u dagaalamaysay urur xornimo doon ah oo dalka gudihiisa ka dagaalamayay, muddo badana diyaar garaw ayay ku jireen ciidamada dhaqdhaqaaqa wadaniga Somaliyeed (SNM), markaas wakhtigii ay noola muuqatay inay fursadu ahayd ayaa dagaal kedis ah oo shacbiweynuhu taageersanyahay lagu qaaday dhinacyo badan oo wadanka ka mid ah oo aaggaas waqooyi ka mid yahay, islamarkiibana waxa lagu qabsaday magaalada Burco.

Magalooyin kale miyaad weerarteen oo aad qabsateen mise waa Burco oo qudha?

Magaalooyin badan ayaa la weeraray, ilaa imikana meelo badan ayuu dagaalku ka socdaa, meelaha la qabsaday ee aanu warkooda hayno waxa ka mid ah Cadaadlay, deegaanka Gabiley oo meelo badan laga xoreeyay, tuulooyink hawdka ah oo shacbigu gacantiisa ku xoraystay sida Oodweyne iyo meelo badan oo baadiyaha ah.
Maalintii Isniintii hadal aad magaalada London ka soo saarteen waxaad ku sheegteen inaad

Magaalada Sheekh ma ku jirtaa magaalooyinka aad qabsateen?

Dabcan magaalada Sheekh anigu saacadaas aan fadhiyo ma hubo, laakiin waxaan ogahay inay dagaalo badani ka socdeen kana dhaceen Berbera iyo Sheekh dhexdooda, oo ciidankii dawlad isku sheegta meesha jooga lagu jebiyay, Burcana maadaama la haysto Sheekh waxaanu u qaadanaynaa inay ka mid tahay goobaha xoroobay.

Ciidamada SNM ee Burco weerarka ku qaaday tiradoodu intee bay leekaayeen?

Ciidamadaasi ciidamo aan yarayn ayay ahaayeen. Waa ciidamada suurto geliyay magaaladaas Burco oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dhinaca waqooyi ee dalka Somaliyeed oo ciidan lixaad lihi uu degenaa. Hawlyarida lagu qabsan karaa labadaba way muujinaysaa, in xoog iyo niyad lagu galayna way muujinaysaa, inaan ciidamada halkaas joogay ee dawlad ku sheegta ka tirsanaana inaanay tamaro badan lahayn way muujinaysaa.
Markaas ma kun, laba kun, saddex kun imisa ayaad ku qiyaasi karaysaa ciidamadaas SNM?

Tirooyinkooda inaan idhaahdo waa intaas dooni maayo, shacbi dhan ayaa ka qayb galay, umad dhan ayaa meel waba kaga soo gurmatay, markaas ciidamo aan tiradoodu yarayn oo aad u faro badan weeye.
Shacabka magaalada Burco degen ee rayidka ahi miyay ka qayb galleon dagaalka ciidamadiinu qaadeen?

Magaalada Badhankteeda la iskuma qabsan ee meelaha la abaarayay waxay ahaayeen goobihii ay ciidamadu degenaayeen, waxa qudha ee dhacay waxay ahayd markii meesha laga qabsaday inuu isagu diyaarado soo diray oo ciidamada dawlad ku sheegtu soo direen, oo ay magaaladii garaaceen dad badan oo shicib iyo daaro ahna ay wax ku yeeleen, laakiin magaalada gudaheeda dagaal ka dhacay ma jiro.

Labadaas diyaradoodna waad soo rideen, sida aad ku sheegteen hadalkii aad Isniintii soo saarteen?

Labadii diyaaradoodba midna Burco ayaa lagu soo diray, tii kalena dhaawaceedii Hargeysa ayuu ku dhacay.
Ciidamada Somalida qiyaastii imisaa ka dhintay oo aad dagaalkaas Burco kaga dhisheen?

Tirooyinkaas tiro aanu annagu odhanayno intaas ayaa la dilay run ahaantii ma jirto, waase jirtaa oo dagaal ayaa meesha ka dhacay. Ciidamadoodu waxay u qaybsameen wax is dhiibay, wax la saftay ciidamada SNM iyo wax firxaday.

Ciidamadiinii imisa ayaa ka dhintay?

Ciidamadayada waxa ka dhintay lix, 17-na dhaawac ayay noqotay.

Wararka Muqdisho ka imanayaa waxay sheegayaan in 600-800 oo ciidamadiini ahi dagaalkaas ka qayb galleen midna aanu ka noqon?

Ciidamayadii Burco way haystaan, calankii SNM ayaana maanta Burco ka taagan, sidaan shalayba idhina imikana waanu cadaynaynaa haddii ciidamada dawladda Somaliyeed ogolyihiin taga berito.

Warar na soo gaadhayaa waxa ay sheegayaan in markii ciidamadii SNM Burco galleen, inay dadkii rayidka ahaa ee magaalada degenaa siiba dadkii rayidka ahaa ee gobolada kale ka yimid inta ay ururiyeen oo ay meel isugu keeneen oo ay laayeen?

Arrintaas wax alla wax ka jiraa ma jiro haba yaraate. Umadu inay kacdo oo xaqeedii doonato oo dagaalka halka ay joogaan ka huriyaan oo ku gadoodaan oo ay imikaba jirto in ciidamadii gadoodeen, dadka aad sheegayso cid kasta ha ahaadeene way la safteen oo umadda ayay ka mid ahaayeen way raaceen oo ciidamadii SNM ayay raaceen.? Haddii shacbiga wax soo gaadheenba cidda ilaalinaysay waxay ahayd SNM iyo shacbigooda. Waxa soo gaadhay waa diyaaradii rushaysay ee bamamka ku riday, intaasna ciidamada Siyaad Barre ayaa gaystay, imikana waxay u soo hanqal taagayaan ee ay wadaan waxa weeye inay shacbiga reer miyiga iyo magaalka leh inay rusheeyaan iyaga oo u marmarsoonaya inay dadka cidhib tiraan, iyagaa qabyaalad ku shaqeeya, iyagaa noocaas ku shaqeeya iyagaa gobolaysi ku shaqeeya ee SNM siyaasadeedana maaha ee waxa weeye wax xalaal ah oo umadda Somaliyeed ka dhexeeya oo ay ku dheehantahay walaaltinimo iyo wadaninimo.

Axmed Siilaanyo, tallabaada kale ee taas ku xigta aad qaadanaysaan maxay tahay?

Tallaabada kale ee taas ku xigta ee aanu qaadaynaa waxa weeye inaanu dhulka intii kale ee aanu ka xorayn karno ka xorayno nidaamkaas faashiga ah ee dalka ka dhisan, meelo badan ayuu dagaalkii ka socdaa, Hargeysa waa ka socdaa, magaalooyin kale waa ka taaganyahay, waxaanan ku rajo weynahay inaanu meelo badan oo dalka ka mid ah xorayno dabadeedna halkaas ka sii wadno ilaa dalka Somaliyeed xoroobo.

Dhulkee weeye dhulka aad leedihiin waanu xoraynaynaa?

Sida Distoorkayagu dhigayo waxaanu nahay umadda Somaliyeed, dalkayagii Somali la odhan jiray weeye dalka aanu xoraynaynaa.

Ee gobolada Waqooyi maaha?

Comments

comments