Somalia: Nin Hubaysan Oo Qudha Ka Jaray Lix Ruux Oo Raashin Mucaawimo Ah Loo Qaybinayey Yaab

26

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar nin hubeysan uu ku qaaday dad barakacayaal ah oo gargaar loo qeybinayay degmada Caabud-waaq ee gooblka Galguduud ee Dalka Soomaaliya Shalay.

Macalin Sugaal Cali Guulleed oo ka mida ah culimada degmada ayaa warbaahinta u sheegay in dadka weerarka ninka hubeysan uu qaaday ku dhintay gaadhayaan Lix ruux halka tiro kale oo ka badan 10 ruuxna halkaa ku dhaawacmeen.

Ninka Hubeysan ayaa ka hor inta aanu rasaasta oodda kaga qaadin dadka rayidka ah, waxaa uu isku dayay in uu si xoog ah ku qaato cunada la qabinayey, hase ahaatee markii ay ilaaladii raashinkaasi u diideen ayuu rasaasta ku furay dadkii raashinka sugayay.

Gacan ku dhiiglaha oo ka mid ah sida la sheegay dadka deegaanka ayaa markii danbe goobta ka baxsaday.

Comments

comments