RASMI: Barcelona oo shaacisay in Ernesto Valverde uu yahay tababaraha badali doona Enrique

20

Kooxda Barcelona ayaa goor dhaw shaacisay in Ernesto Valverde uu yahay tababaraha badali doona Luis Enrique.

Tababarihii hore ee kooxda Atletico Bilbao ee Ernesto Valverde ayaa ogolaaday inuu layliyo kooxda Barcelona kadib markii uu Enrique ku dhawaaqay inuu isaga tagayo Camp Nou, kadib 3-xiliciyaareed oo uu joogay halkaas.

Ernesto Valverde ayaa  qalinka ugu duugaya kooxda Barcelona heshiis 2-sano ah, isaga oo ku darsan kara sanad kale haddii uu guulo ku hogaamiyo kooxda.

Madaxwaynaha Barcelona ayaa sheegay in tababare Ernesto Valverde uu heshiiska saxiixi doono khamiista isla maalintaas ayaana loo soo bandhigi doonaa saxaafada.

Comments

comments