Man United oo heshiis cusub ku abaal marinaysa tababare Jose Mourinho

30

Kooxda Manchester United ayaa heshiis cusub ku abaal marinaysa tababaraheeda reer Portugal ee Jose Mourinho.

Tababarihii hore ee kooxda Chelsea ayaa ku hogaamiyay kooxdiisa cusub 3-koob xiliciyaareed kaan, maamulka ayaana durbadiiba la dhacay 54 jirka reer Portugal.

Sida laga soo xigtay Express, Maamulka Manchester United ayaa u diyaarinaya tababare Mourinho abaal marin ah in laga saxiixo heshiis 5-sano ah, isaga oo kor loo qaadi doono mushaarkiisa.

Mourinho ayaa heli doona sanadkii 20 milyan oo Ginni haddii uu saxiixo heshiiskaan cusub, sidoo kale maamulka ayaa u diyaariyay lacag dhan 200 milyan oo Ginni si uu suuqa ugu galo xaggaagan.

Jose ayaa 3 sano qalinka ugu duugay kooxda Manchester United xaggaagii hore, isaga oo ku darsan kara sanad afaraad hadii uu u baahdo, laakiin maamulka ayaa u arka tababare ay tahay inuu la sii joogo kooxda mudo dheer.

Comments

comments