Ciyaaryahanka Ronaldo Maka Qayb Qaadan Doono Fillimada Ramadaanta Ee Dalka Masar !

25

Sida caaddada u ah Dadka ku dhaqan Dalkaasi Masar waxay bisha Ramadaan sanad walba sameeyaan Fillimo loogu tala galay bisha Ramadaan, waxaanay aaminsan yihiin Dadkaasi in Aflaamta iyo Musalsalaadka kala duwan ee bishaasi la soo saaro ay aad uga wanaagsan yihiin kana fiican yihiin kuwa la soo saaro guud ahaan sanadka intiisa kale.

Haddaba, waxa uu muran ka taagnaa in Ciyaaryahanka Ronaldo uu ka qayb qaadan doono Aflaamtaasi, arrintaasi oo muran aad u ballaadhan ka dhex dhalisay Dadka arrintan oo kale daneeya, balse waxa markii dambe la xaqiijiyay in Ciyaaryahanka Ronaldo uu ka qayb qaadan doono oo kaliya Xayeysiis ay heshiis kula gashay shirkada soo saarta biiraha ee Dalkaasi Masar ee uu leeyahay Taajirka Caanka ka ah ee Ahmed Abu-shiheema, halkaasina waxa lagu soo gabagabeeyay Murankaasi.

Comments

comments