Somaliland: Garnaqsiga Aqoonyahan Cabasho Ka Muujiyay Cadaala Darro Uu Ku Eedeeyey Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Iyo Jawaabta Gudoomiye Sharmaarke

32

Aqoonyahan Mustafe Cabdiraxmaan Habane oo ka mid ah Muwaadiniinta Reer Somaliland ee jaamacadaha dalka wax ka dhiga ayaa cabasho ka muujiyay tartan uu u galay Shan Boos oo hay’adda shaqadu xayaysiiyay,Imtixaankiisana qaaday,Waxa uu soo bandhigay Documentiyo iyo muuqaalo Hay’adda Shaqaalaha Dawlada ka soo baxay oo lagu baahiyay Warbaahinta dalka oo lagu shaaciyay shantii qof ee Imtixaankaasi ku guulaystay oo uu magaciisu kujiro,Waxana uu sheegay in markii dambe magaciisa laga saaray oo qof kale lagu badelay,Waxa uu sidoo kale ka sheekeeyay qaabkii iyo sidii ay wax u dhaceen isagoo waraysi dheer oo muuqaal ah kaga war bixiyay,waxa dhinaca kale ka hadlay oo ka jawaabay Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha oo Qoraal kooban kaga falceliyay dhacdadan cajiibka ah. Ugu Horayn Mustafe Cabdiraxman Habane ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Maalin Maalmaha Ka Mid Ah Waxaan Booqday Websiteka Somalijobs,ka bacdi waxaan ku arkay Shaqooyin ay soo baahisay Hay’adda Shaqada iyo Shaqaalaha Dawladu,dabadeed shaqo ayaan codsaday,Muddo Dhawr maalmood ka bacdi ah ayay illa soo xidhiidheen,Waxaan u fadhiistay Imtixaankii,Imtixaankii waan ku guulaystay,Waxaan soo gaadhay Wajigii labaad,oo ahaa waayo aragnimada Shaqadda aan u leedahay,Wajigii labaadna waan ku guulaystay, Waxaa isoo gaadhay Wajigii saddexaad oo ahaa in la baafiyo ama la shaaciyo Dadkii Shaqada ku guulaystay,dabadeed shantii Qof ee aan ka midka ahaa ee ku guulaystay shaqada ayaa la soo shaaciyay,Waxa laga baahiyay Tv-ga Qaranka,sida muuqatana waxa halkaasi laga sheegay Magacayga oo saddexan,sidoo kale waxa laga siidaayay Idaacada iyo Jariidada la yidhaahdo Warsugan,oo intaba magacaygu kujiray”.
Waxa kale oo uu yidhi“markii waxasi oo dhami ay dhaceen ee ay Kumanaan Qof oo dalka dibadiisa iyo gudahiisa ku nooli ay iisoo hambalyeeyeen,ayaan tagay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha,kabacdi waxaan kala kulmay in Booskaygii ama magacaygii Qof kale lagu badelay,afartii Xubnood ee kalena aan la taaban,Markii aan su’aalay Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha ee aan ku idhi waa maxay sababtu anigoo shaqadan ku guulaystay oo la shaaciyay in Hadana Qof kale lagu badelo,Waxa uu iigu jawaabay haddalo aanu masuul ku jawaabi Karin,Hadalaasi oo sida uu u dhigay ahayd inaanay beeshiisuba ku jirin,ee waxan imtixaanka ku soo baxay ay beelo kale yihiin,Waxa kale oo uu ii sheegay inaanu shaqo ku lahayn inaanu waayo aragnimo u lahayn,..isaguba waa masuulkii loo doortay,dabadeed waxaan maskaxdayda iswaydiiyay haddii uu Dab dhaxmoodo xagee laga dabiibi,haddii durdur haraado xagee laga waraabin,Haddii ay dawo bukaato xagee laga dabiibi,Nacamtii qofkii ugu sareeyay ee Hay’adda Shaqada haystay ayaabad ka dacwoonaysaaye,ayaad u dacwoon ayaan is idhi,dabadeed waxa ay noqotay inaan iska Aamuso oo aan iska samro”.
Ugu dambayn Waxa uu Mustafe sheegay“Muddo imika ay ka soo wareegeen Afar Cisho ayuu Barnaamij uu soo Daayay Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaaluhu oo uu u bixiyay Barnaamijka Wax qabadka Hay’adda Shaqaalaha kaasi oo uu wali haddaa uu ku soo bandhigayo Sawiradaydii,markii aan Interview-ga galayay, Markaan Imtixaanka u fadhiyay, si uu dadka ugu muujiyo ninka la yidhaa Mustafe Cabdiraxmaan Habane oo ah aniga,inuu shaqaale yahay oo uu wali World Bank u shaqeeyo,oo aan booskiisii cid lagu badelin,Taasi ayaan aniguna ka damqaday oo igu kaliftay Inaan Barnaaminkan curiyo oo aan dadka u sheego sidoo kale inaan dadka u sheego xaqiiqda dhabta ah ee jirta,Waxaan jeclaaday inaan Hadalkayga ku soo gabo gabeeyo Xaqiiqda madhan iyo Xogta dhabta ah, Xogta dhabta ahi waxan aan idiin hayo ayay ka mid yihiin,Muuqaalka, Documentiga, iyo warqadahaasi waa xogtii dhabta ahayd,Xaqiiqda beenta ahina waa waxaa uu sharmaarke uu ku celcelinayo ee uu leeyahay Caddaalad ayaan sameeyay,iyadoo hoostiisiina la ogyahay sida ay tahay,markaa umadda ayaan ugu talo galay inay Gunta ogaadaan iyo Xaqiiqada”.ayuu hadalkiisa ku soo koobay.
Dhinac kale Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Sharmaarke Axmed Muxumed Geele oo arintani lagu eedayno ka hadlay ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu Facebookgiisa ku leeyahay waxa uu yidhi “Tartame Mustafe wuxuu ahaa qofkii 5-tii tartame ee u tartmayey imtxaanka MONITORING AND EVALUATION ee isugu soo hadhay ugu darajo hooseeyey iyadoo 5-walba dhankooda loogu dhajinayey waxaanu keenay 38.50% sida ku cad waraaqdan aan maalintii dhajinay walina ku dhajinay wajahada hore ee Hay’adda shaqaalaha , iyadoo qofkii doonana uu soo akhirsan karo , walaw aan dhawrayno hadii loo baahdo waxaanu soo baahin doonnaa waraaqdii imtixaankiisa”.intaasi ayuu Nuxurka Hadalkiisa ku soo koobay wallow aanu ka hadalkiisa ku soo darin sababta keentay in Aqoonyahan Mustafe magaciisa loo soo dhejiyay waliba loogu dhex daray Guulaystayaasha oo waliba looga baahiyay Warbaahinta Dalka maqal,Qoraal iyo Muuqaalba.

Comments

comments