Deg Deg: Xukuumada Somaliland Oo Ku Dhawaaqdey Hawlaha Ay Imaraadku Ku Fushan Doonan Saldhiga Military Ee Berbera Laga Siiyey

23

Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa waxaa uu sheegay in saldhiga Imaraadka laga siiyey magaalada Berbera uu noqon doono sida saldhigyada kale ee dunida .

Wasiir Sacad oo u waramey shabakada wararka caalamiga ah ee Bloomberg waxaa uu sheegay in Somaliland ay heshiiskaas saxeexdey ka dib markii ay la tashi iyo wada shaqeyn la sameysay shirkada Looyarada ee loo yaqaano Simmons & Simmonsi waxaana uu yidhi,

” Waxuu noqon doona sida saldhigyada kale ee dunida ,waxaana ay saldhigaas imaraadku u isticmaali doonan adeegyada War doona (Basaasida ) , adeeg toobabar iyo mararka qaarkood adeegyo hawl galo ah ” ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire .

Sidoo kale Wasiir Sacad ayaa sheegay in dawlada Imaraadkuna laftigeedu ay looyaro qabsatey .

Shabakada caalamiga ah ee Wareysiga ka qaadey wasiir Sacad ayaa waxaa ay sheegtay inay laba Email u dirty shirkadan Simmons & Simmonsi isla markaana ay wax ka weydiiso heshiiskan balse kamay soo jawaabin , sidoo kale shabakada ayaa waxaa ay sheegtay in ay la xidhiidhey wasaarada arimaha dibada Imaraadka Carabta oo aaney soo bixinin wax jawaab ah

Comments

comments