12 Xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada golaha deeganka magaalada Saylac ayaa waxaa ay saaka si rasmi u qabsadeen kal-fadhi aan caadi aheyn waxaana ay halkaasi cod gacan taag ah xilkii kaga qaadeen Maayarkii degmada Saylac Xussen Iidle Barkhadle .

Kalfadhigan aan caadiga aheyn ayaa waxaa ka soo qeyb galay badhasaabka gobalka Salal , xoghayaha dawlada hoose iyo saraakiisha ciidamada qaranka ee halkaasi ku sugan

Xildhibaanada ayaa waxaa ay sidoo kale cod gacan taag ah ugu doorteen in uu noqdo maayarka degmada Saylac xildhibaan Sacad Daahir Cige oo hore u ahaa maayar ku xigeenka degmadaasi .

Comments

comments