Wasiirka diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa waxaa uu bulshada Somaliland iyo kuwa Muslimka ahba u sheegay in ay caawa tahay kowda bisha barakeysan ee Ramadaan.

” Waanu Fileynay in ay bisha Ramadaan ay xalay bilato aduunkan iyo caalamka islaamka ahba aad baanu ula soconey bal in bisha meel uun lagu arkay ugu danbeyn waxaa cadaatey in bishii la arki waayo sidaas darteed maanta oo 30 bisha shabcaan ah waxaanu nidhi ha la dhameys tiro  caawa oo ay bishu tahay kowdii Ramadaan la soomo ” ayuu yidhi wasiirka diinta iyo awqaafta SOmaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed .

Comments

comments