Man City Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Xidigii AS Monaco Ee Bernardo Silva.

39

Kooxda Manchester City ayaa hadda ku dhawaaqday in ay dhamaystirtay saxiixa xidigii kooxda AS Monaco ee Bernardo Silva kaas oo noqday saxiixii ugu horeeyay ee uu Pep Guardiola sameeyay xagaagan. Bernardo Silva ayaa tan iyo maanta ku sugnaa Manchester City wuxuuna si guulaysatay uga gudbay tijaabada caafimaadka Sky Blues ka hor intii aan heshiiskiisa hadda si rasmi ah loo shaacin.

Manchester City ayaa ku guulaysatay saxiixa mid ka mid ah ciyaartoyda mustaqbalka wayn ku leh kubbada cagta isla markaana waxa uu Guardiola saxiixa Bernardo Silva uu ka hor qaaday kooxaha Yurub ugu waa wayn oo ay ku jiraan Manchester United iyo Real Madrid oo si wayn u doonayay.

Warka ay Man City ku cadaysay saxiixa Silva ayaa lagu yidhi: “Manchester City waxay ku faraxsan tahay in ay cadayso in Bernado Silva uu kooxda ku soo biiri doono July 1. Kubbad sameeyaha ree Portugal waxa uu Etihad soo gaadhi doonaa kadib markii uu kooxda ree France ka soo caawiyay koobka Ligue 1 iyo afar dhamaadka Champions Leaque-ga”.

Bernado Silva ayaa waayihiisa ciyaareed ka soo bilaabay kooxda Benfica ee horyaalka dalkiisa Portugal wuxuuna Benfica uga soo ciyaaray kooxda heerka labaad ee Segunda Division wuxuuna sanadkii 2013 uu qayb ka ahaa koxodii 19 sano jirada ka ahaa wuxuuna ku soo baxay 10 ciyaartoy ee ay UEFA ku qiimaysay kuwa ugu fiicnaa.

Bernado Silva ayaa sanadkii 2014 kii ku biiray kooxda AS Monaco oo uu markii hore heshiis amaah ah ugu wareegay isaga oo ka hor saddex kulan oo kaliya ka soo muuqday kooxda kowaad ee Benfica laakiin Monaco ayaa lix bilood kadib heshiiskii amaahda ahaa ee Bernado Silva ka dhigtay mid joogto ah.

Bernado Silva ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay koxoda Monaco taas oo sabab u noqotay in kooxaha yurub ugu waa wayni ay toos ku raadiyaan balse ugu danbayn Guardiola ayaa noqday macalinka ku guulaystay adeega 22 sano jirkan mustaqbalka wayn ku leh kubbada cagta.

Comments

comments