Maamulka Premier Leaque-ga Oo Ku Shaaciyay Xidiga Ku Guulaystay Goolkii Xili Ciyaareedkan Horyaalka Premier Leaque-ga Ugu Fiicnaa.

27

Maamulka Premier leaque-ga ayaa si rasmi ah u shaaciyay xidga ku guulaystay abaal marinta goolkii xili ciyaareedkan 2016/17 horyaalka Premier leaque-ga ugu fiicnaa ee helay codkii ugu badnaa ee la soo dhiibtay. Waxaa jiray xidigo badan oo ku tartamayay abaal marinta goolkii xili ciyaareedkan ugu fiicnaa Premier leaque-ga.

Maamulka Premier Leaque-ga ayaa May 22  shaaciyay liiska xidigaha ku tartamayay abaal marinta goolkii xili ciyaareedkan ugu quruxda badnaa ee horyaalka Premier Leaque-ga waxayna xidigaha la soo xulay uu maamulka Premier leaque-ga ku saleeyay dhamaan goolashii ay xidigihii dhaliyay ku soo guulaysteen goolkii bisha ee tan iyo markii uu soo bilawday xili ciyaareedkan iyo ilaa bishan ugu danbaysay ee May.

Goolkii layaabka lahaa ee ee uu xidiga kooxda Liverpool ee Emre Can ka dhaliyay kooxda Watfrod ee uu qaabka laba lugooleyda cajiibka ahaa ku dhaliyay ayaa noqday goolkii xili ciyaareedkan horyaalka Premier Leaque-ga ugu fiicnaa kadib markii uu xidiga ree Germany ku guulaystay codbixintii la sameeyay.

Emre Can ayaa kubbad ka helay Lucas laakiin si lama filaan ah ayuu Emre Can uga yaabsaday ciyaartoyda Watfrod wuxuuna dhaliyay waxa uu ku tilmaamay goolkisii waayihiisa ciyaareed ugu quruxda badnaa taas oo cadayn wayn ka heshay jamaahiirta iyo maamulka Premier Leaque-ga oo goolkan isku raacay isla markanaa codkii ugu badnaa siiyay.

Waxaa uu Emre Can abaal marintan ku garaacay goolasha kale ee la tartamayay oo kala ahaa:

August Cristhian Stuani (Sunderland v MIDDLESBROUGH)

September Jordan Henderson (Chelsea v LIVERPOOL)

October Dimitri Payet (WEST HAM v Middlesbrough)

November Pedro (CHELSEA v Tottenham Hotspur)

December Henrikh Mkhitaryan (MAN UTD v Sunderland)

January Andy Carroll (WEST HAM v Crystal Palace)

February Eden Hazard (CHELSEA v Arsenal)

March Andros Townsend (West Brom v CRYSTAL PALACE)

April Pedro (Everton v CHELSEA)

May Emre Can (Watford v LIVERPOOL)

Waxaana goolkii xili ciyaareedkan horyaalka Premier Leaque-ga ugu fiicnaa noqday goolkii bishii May uu xidga ree Germany ugu guulaystay abaal marinta goolkii bisha ee horyaalka Ingiriiska ugu fiicnaa.

Comments

comments