Deg Deg: Askari Ka Tirsan Ciidamada Ilaalada Shirkada Beeyada Ee SBI COCACOLA Oo Xalay Dhaawacay Laba Qof Oo Shacaba.

25

Askarigani oo kamida ciidamada ilaalada shirkada SBI COCACOLA qaybteeda samaynta beeyada FOOXA ayaa xalay Abaaro 8 Fiidnimo waxa uu dhaawacay laba hablood oo uu u adeegsaday rasaas nool-nool.
Hablahan ay xabadu ku dhacday oo magcayadoodu kala ahaayeen HUDA iyo SACDA ayaa waxaa dhaawacooda lagu dawaynayaa dhakhtarka wayn ee magaalada hargeisa.

Askariga dhaawaca geystay ayaa la sheegay in aanu si ULAKACA ugu adeegsan rasaasta labadan hablood balse sida ay noo xaqiijiyeen ilo xogogaala oo ka agdhawaa goobtaasi askarrigani waxa uu amaanka qoriga u furey sababo la xidhiidhay kala kaxaynta dagaalo dhex marey hablo ka agdhawaa dhismaha shirkada uu gaadhka ka hayey,
goor danbe ayey ahayd markii qaar kamida masuuliyiinta shirkada SBI COCACOLA ay soo gaadheen goobtasi xili labadii dhaawacba loola cararey dhakhtarka wayn ee hargeysa.

Comments

comments