Somaliland: Maxa Ka Jira In Saldhiga Iyo Dekedda Berbera Ay Dawlada Somaliya Saxeexdey Heshiiska Dp World ?

28
DP World marks starts of concession in Somaliland
President Silanyo and DP World CEO Sultan Ahmed bin Sulayem

Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland  ee Somaliya  Cabdikariim Xaaji Cumar Camey ayaa waxaa uu markii ugu horeysay uu sheegay in heshiiskii shirkada Dp World loogu wareejiyey dekada Berbera iyo saldhigii Imaraadka Berbera laga siiyey ay labadaba ay  saxeexdey dawlada Faderaalka ah ee Somaliya.

Mr.Camey ayaa waxaa uu sheegay in arintaasi ay xukuumada Somaliland dadkeeda ka qarineyso isla markaana aaney heynin geesinamadii ay arintaasi ugu sheegi laheyd waxaana uu yidhi. ” Bahasha sakaarada la yidhaahdo ayaa la yidhi waxaa ay aastaa saalo la arki doono , waxaan ku siinayaa hal tusaale Dekada Berbera iyo saldhigii la siiyey Imaraadka labadaba waxaaa saxeexdey dawlada Faderaalka ah ee Somaliya , lakiin geesi nimadii shacabka reer Somaliland loogu sheegi lahaa ayey dawladu la’dahay ” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdikariim Xaaji Cumar Camey.

Comments

comments