Cooldoon oo ku tilmaamay Somalia Cadowga Wahmiga ah (Mala awaalka) ee Somaliland

Saxafi Cabdimaalik Cooldoon oo ka dareen celiyey Cafis-ka uu Madaxweyne Silaanyo u fidiyey ayaa shir-jaraa’id oo kooban ku Qabtay Magaaladda Hasgeisa.

Cooldoon ayaa u Mahadnaqay Madaxweyne Silaanyo Sidoo kale waxa uu sheegay in lagu Soo eedeeyey in uu Taageersanyahay Somalia oo uu isagu ku sheegay Cadowga Wahmiga ah (Mala awaalka ah) ee Somaliland.

Waxa uu Cooldoon iftiimiyey in loo Haystay Ethiopia sida uu hore u Sheegay Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Somaliland Mudane Adan Haji Ali, waxana uu intaas ku dary in ay Muhiim tahay in la iftiimiyo Cadowga Somaliland sida uu Hadalka u dhigay.

Maxkamada Gobolka Maroodijeex ayaa Hore ugu Xukuntay 2 sanno oo Xadhig ah.

 

Comments

comments