Maxaa ka jira in uu Madaxweyne Silaanyo ku Dhoofo Baasaaboor Diblomaasi Soomaali ah?

260

Bahdda Shabakadda Wargane Waxay Is weydiisay Talow Yaa Madaxweyne Silaanyo Passaport-ka U Cusboonaysiiya, Maadaama uu Shantii Sanaba Hal mar Dhaco?

Qoraal uu Wariye Mohamed Diridhaba bartiisa Facebook-ga Soo dhigay ayaa u dhignaa sida tan:

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ku safra wataana baasaboor Diblomaasi Soomaali ah oo Ciqaamad ama degenaansho ingiriis ahi saaranyahay.

  1. Wasiirka madaxtooyada baasaboor ingiriis ah
  2. Wasiirka arimaha dibada baasaboor ingiriis ah
  3. Wasiirka arrimaha gudaha baasabor ingiriis ah
  4. Wasiirka qorshaynta baasaboor ingiriis ah
  5. Wasiirka gaashandhiga baasaboor ingiriis ah
  6. Wasiirka cadaaladda baasaboor ingiriis ah
  7. Wasiirka ganacsiga baasaboor canadian ah
  8. Wasiirka duulista baasaboor ingiriis ah
  9. Wasiirka warfaafinta baasaboor maraykan ah
  10. Wasiirka caafimaadka baasaboor maraykan ah
  11. Wasiirka maaliyadda baasaboor ingiriis ah
  12. Wasiirka deegaanka baasaboor maraykan ah
  13. Wasiirka golayaasha baasaboor ingiriis ah
  14. Wasiirka boosaha baasaboor ingiriis ah
  15. Wasiirka macdanta baasaboor maraykan ah
  16. Wasiirka wershadaha baasaboor Jibouti ah
  17. Wasiirka xananada xoolaha baasabor Jibouti ah
  18. Wasiirka cayaaraha baasaboor Jibouti ah
  19. Taliyaha sirdoonka baasaboor Ethiopian ah
  20. Guddoomiyaha bangiga baasaboor ingiriis ah
  21. Afhayeenka madaxtooyada baasaboor ingiriis ah
  22. Xeer ilaaliyaha guud baasaboor ingiriis ah
  23. Safiirka Jibouti baasaboor ingiriis ah
  24. Safiirka Emirateka baasaboor ingiriis ah
  25. Safiirka SL dalka UK baasaboor ingiriis ah
  26. Safiirka SL Ethiopia baasaboor ingiriis ah
  27. Safiirka SL Sweden, baasaboor Swedish ah
  28. Safiirka SL Maraykan, baasaboor maraykan ah

Wasiir ku xigeenadda %90 baasabooradda Ingiriiska, maraykanka, Canada, Jibouti iyo Ethiopia.

Guddoomiyaha ahna musharaxa xisbiga Kulmiye baasaboor Jibouti ah

Guddoomiyaha ahna musharaxa xisbiga Waddani ahna guddoomiyaha golaha wakiiladda baasaboor Finnish ah Finland

Ku xigeenka musharaxa Madaxweyne xisbiga WADDANI baasaboor ingiriis ah

Guddoomiyaha ahna musharaxa xisbiga UCID Baasaboor Finnish ah Finland

Guddoomiyaha golaha guurtida baasaboor ingiriis ah

Guddoomiye ku xigeenka 1aad golaha wakiiladda baasaboor Canadian ah, %70 xildhibaanadda golaha wakiiladdu baasabooro ingiriis, Dutch, Swedish, Danish, Jibouti, Ethiopian iyo maraykan

Madaxda haayadaha madaxa bannaan iyo kuwa dawladda tiro ma leh.

Marka Somaliland nimaddii meeday?

Xigasho: Mohammed Abdi Hassan Diridhaba

Comments

comments