Dhambaallo Uu Nebi Muxammed (Scw) U Kala Diray Boqorro Xilligiisii Meelo Kala Duwan Ka Talin Jiray (Q.3)

63

Waa qaybtii saddexaad ee qormadii uu Geeska Afrika ku soo koobayey qaar ka mid ah dhambaalladii uu Nebi Muxammed (SCW) u kala diray boqorradii xilligiisii ka talinayey meelo kala duwan oo dunida ah, isaga oo ugu baaqaya diinta Islaamka:

Nejaashi

Asxamaha bin Abxar (Nejaashi) waxa uu ka mid ahaa boqorradii Xabashida, waxa aanu taariikhda Islaamka aad ugu soo shaac baxay sidii fiicnayd ee uu u soo dhoweeyey asxaabtii rashuulka ee inta ay u adkaysan kari waayeen dhibtii tolkood ku hayey, Nebigu u idmay in ay u haajiraan dhulka Xabashida oo uu u sheegay in uu haysto boqor aan agtiisa cidi isku dulmiyin.

Boqorkan oo taariikhaha qaar ugu yeedhaan Armaha waa qofka keliya ee uu Nebi Muxammed (SCW) ku tukaday salaadda jinaasadaha ee lagu tukado maydka meel dheer kaa jira, kadib markii loo xaqiijiyey in uu geeriyooday.

Boqortooyadan Nejaashi waxa ay awooddeeda weyni ka dhisnayd caasimadna u ahaa dhulka hadda ay ku fadhiyaan dalalka Ereteriya iyo woqooyiga Itoobiya gaar ahaan gobalka Tikreega ee dalka Itoobiya, dalka Yemen, Koonfurta Sucuudiga, taariikhaha qaarna soo gaadhsiiyaan dhulka Jabbuuti, woqooyiga Suudaan, Koonfurta Masar iyo Somaliland qaybo ka mid ah gaar ahaan magaalada Saylac.

Boqortooyadan oo lagu magacaabi jiray Aksum, ayaa mid ka mid ah boqorradeedoo oo la odhan jiray Cizaana (Ezana) uu qaatay diinta Kiristaanka, illaa hadda sannad kasta bisha Tobnaad 1-deeda ayaa boqorkaas laga xusaa kaniisadda Ortodhogoska. Laakiin markii la soo gaadhay qarnigii 7aad ee Miilaadiga oo ah markii uu xukunka hayey Nejaashi oo xukunka ku qabtay 9 jir kadib markii adeerkii uu ka dhaxlay, waxa ay Aksum u weecatay dhinaca Islaamka.

Sida uu Sheekha Ibnu Kathiir kitaabkiisa taariikhda ku xusay, waxaa jira warqad uu Nebi Muxamed u diray Nejaashi oo uu soo qaatay asxaabigii Camar Bin Damari, waxa aanu nebigu kala hadlayey boqorka laba arrimood oo midi tahay tii caadada ahayd ee uu boqorrada dunida diinta islaamka ugu baaqayey, tan labaad ee soo korodhayna ay tahay codsi uu boqorka ka codsanayey in uu soo dhoweeyo asxaabtiisa ka soo firdhatay dhulkoodii ee hijrada ugu timid.

Waxa uu Nebi Muxammed warqaddaas ku yidhi, “Waxa aan ku bilaabayaa magaca Allaha naxariista guud iyo ta gaarka ahba leh.

Ka timid: Muxammed ‘Rashuulkii Alle’

Ku socota: Najaashi Al-Asxam boqorka Xabashida

Nabadi korkaaga ha ahaato, (Salaamun Calayka). Waxa aan u mahadnaqayaa boqorka aad u mahadnaqdaan ee Alqudduus, Al-Mu’min Al-muhaymin ka ah (Allaah), waxa aanan qirayaa in Ciise uu yahay Ruuxdii Alle iyo kelmaddii uu ku tuuray Maryam tii ragga ka dheeraatay, daahirka ahayd ee wanaagga iyo dhowrsoonaanta lahayd. Ruuxdaas oo ay ku calool qaadday Ciise oo uu Alle ku abuuray ruuxdiisa uu ku afuufay, sidii uu Nebi Aadamba uu gacantiisa ugu abuuray kadibna ku afuufay ruuxda.

Waxa aan kuugu baaqayaa in aad rumayso Alle oo keliya, cid cibaadada la’la wadaajin karaana aanay jirin; iyo in sokeeye lagu noqdo adeecista Alle. Waxa aan kuugu baaqayaa in aad I raacdo oo aad rumayso nebinimadayda iyo diinta aan wado. Waxa aan ahay Ergey Alle soo diray, waxa aanan kuu soo diray ina’ adeerkay Jacfar oo ay la socdaan koox muslimiin ahi, haddii ay ku soo gaadhaan deji oo ka dhowr in lagu kibro.

Adiga iyo ciidamadaadaba waxa aan idinku baaqayaa in aad Alle raacdaan, warkaygii iyo taladiiba idin soo gaadhsiiyey, waxa aanan codsanayaa in aad aqbashaan, nabadina ha kor ahaato ciddii hanuunka raacda”

Comments

comments