Somaliland: Roob Khasaare Geystay Oo Shalay Ka Da’ay Magaalada Burco

286

Roob dabaylo leh oo khasaare naf iyo maal ba leh geystay ayaa ka da’ay xarunta gobolka Togdheer ee Burco.

Roobkan oo watay dabaylo iyo calaydh xoogan ayaa waxa uu sababay sida ay wararku sheegeen khasaare iskugu jira dhimasho,dhaawac iyo waliba mid hantiyeed.

Roobka ayaa sababay dhimashada Hal qof iyo dhaawaca qof kale iyo waliba dumista guryo iyo maherado ganacsi.waxaana wararku intaa ku darayaan in dadkan uu laayey danab ku dhacay gidaarka garoonka Kubada Cagta Burco kaas oo dumiyey gidaarkii garoonka isla markaana haleelay guryahan iyo maheradahan ganacsi ee ku dhagsan garoonka.

Labadan qof ee midna dhintay midna dhaawaca yahay ayaa waxa naloo sheegay in uu kusoo dumay gidaarka garoonka Kubadda Cagta ee magaalada Burco “ALAMZY Studium” gaar ahaana dhinaca Koonfur Galbeed ee garoonka,waxaana gidaarkaa soo dumay uu sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca hal kale oo ku sugnaa gudaha Guri iyo Meherad ganacsi oo ku dhagsan Garoonka.

Dhaawaca iyo maydkan labadan qof ee gidaarku kusoo dumay ayaa naloo sheegay in ay yaalaan cusbitaalka magaalada Burco.

Gabagabadiina wakhtiyada oo kale marka ay Roobabka Gu;ga iyo Dayrtu ay bilaabmaan ayaa waxay sababaan khasaare kala duwan oo iskugu jira mid dad iyo duunyaba.

Comments

comments