War Deg Deg Ah: Xildhibaanada Golaha Deeganka Hargeysa Oo Gudbiyey Mooshin Ka Dhan Ah Maayar Solteco , Xildhibaanada Saxeexay Iyo Arimaha La Isku Maan Dhaafay .

273

xildhibaanada golaha deganka magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay saxeexeen mooshin ka dhan ah maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Solteco .

Xildhibaanadan oo iminka mooshinka saxeexay oo ay tiradoodu tahay 10 xildhibaan ayaa waxaa ay wasaarada arimaha gudaha iyo badhasaabka Hargeysa ka dalbadeen in uu Maayarku furo kal-fadhigii 15 aad ee golahaas oo furmi lahaa bisha Afaraad ee sanadkan

Maayar Solteco ayaa cabsi xoogan oo uu ka qabta  isla ku dhici la  in uu furo kal-fadhiga caadiga ah ee golahaas  oo  kal-fadhigaas in badan muddo dhaafey  , isaga oo ka baqanaya hadii uu furo in xilka laga qaado

Sidoo kale xildhibaanadan ayaa waxaa ay maayar Solteco ku eedeynayaan in sifo shari daro ah uu u iibsadey hangarkii weynaa ee suuqa Inji ee degmada Axmed Dhagax kaas oo la sheegay in uu ka iibiyey ganacsadaha qaadka keena ee Ina Afdiinle kaas oo marka hore muddo 15 Sanno ah uu u kireysnaa hangarkaasi .

Comments

comments