Somaliland: Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Oo Xukuntay Masuul Ka Mid Ah WADDANI, Xeer-ilaalinta Oo Rafcaan Ka Qaadatay Siideynta Mid Dambi Lagu Waayay & Hanjabaadda Xisbiga

76
Somaliland's formal courts are complemented by Sharia and customary law

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa Go’aan ka gaadhay Dacwadda laba Masuul oo muddo Saddex Bilood ku dhow ka xidhnaa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa Xoghayaha Ciyaaraha ee Xisbiga WADDANI Yoonis Axmed Yoonis ku xukuntay Hal Sano oo Xadhig ah, halka ay Xorriyaddiisa u soo celisay isla-markaana siidaysay Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada ee Xisbigaasi Maxamed Sidiiq Dhamme.

Xukunka Halka Sano ah ee Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ku ridday Xoghayaha Ciyaaraha ee Xisbiga WADDANI, ayaa markii uu soo baxay waxa ka hadlay isla-markaana Cambaareeyay Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Xisbigaasi Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, waxaanu sheegay in Xukunka Xadhigga ah ee Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex uu yahay Sharci-darro.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Saraakiisha Xisbiga WADDANI oo in muddo ah ku xidhnaa, kuna eedaysnaa 321, 322 ee Xeerka Ciqaabta guud, waxay Maxkamaddu eeddii ay ku eedaysnaayeen ku wayday eedaysanihii Koowaad Maxamed Sidiiq Cabdillaahi (Dhamme), halka ay Yoonis Axmed Yoonis-na sheegtay inay ku heshay dambi ah ka hor imaanshiyo Sharci. Waxa Caddaalatay in Xeer ilaalintu aanay keenin Caddayn ku filan Qodobka 321 ee lagu Xukumay Yoonis, Waayo? Qawaaniintu waxay qorayaan in Shaki la’aan la isku qanciyo inuu Falkaa galay, markaa Caddayn taam ah oo lagu qanci karo Maxkamaddu may keenin, laakiin way iska indho-tirtay.”

Xildhibaan Jirde waxa kale oo uu sheegay in Maxkamaddu siidaysay Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada WADDANI markii lagu waayey eedaymihii loo haystay, laakiin Xeer ilaalintu ka qaadatay Rafcaan, “Xafiiska Xeer ilaalintu wuu ka sii war-qabay Xukunka ay Maxkamaddu soo saarayso, waxaana caddayn u ah markii Maxkamaddu bixisay Amarka Siidaynta Maxamad Sidiiq oo qoraal ah, waxay soo gudbiyeen ogeysiin Rafcaan ah oo ay ku sheegayaan inay Rafcaan ka qaateen Xukunka (Siideynta ah).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Xadhiggooda waxaanu u aragnaa Xadhig Siyaasadeed.”

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay “Xadhiggaa iyo Tacadigaa waxaanu u maraynaa inta Qawaaniintu noo ogoshahay, laakiin waxaanu ka digaynaa Dul-qaadka Dadku wuu soo yaranayaa, Ninka fulayga ah haddaad Erida uun maalin ayuun buu kugu soo jeedsan doonaa, markaa  fulaygaa la eryayo ayaanu nahaye Khadka Cas yaan lana gaadhsiinin, haddii kale waanu soo jeedsan doonaa.” Ayuu yidhi.

Comments

comments