Somaliland: Magaalada Hargeysa Oo Laga Dhagax Dhigay Guri Qasri Ah Oo Loo Dhisaayo Suldaanka Guud Ee Somaliland Iyo Lacagta Ku Bixi Doonta

168

Waxaa magaalada Hargeysa gaar ahaan bariga magaalada maanta laga dhagax dhigay dhisme weyn oo qasri ah kaas oo loo dhisi doono suldaanka Guud ee salaadiinta Somaliland Sul.Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Munaasibadan dhagax dhiga ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuulyiin kala duwan oo ka kala socota xukuumada , xisbiyada mucaaridka ah , xildhibaano , Maayarka Hargeysa iyo madax dhaqameed .

Dhamaan marti sharaftii madasha ka hadashey waxaa ay sheegtay in ay aad ugu faraxsan yahiin in ay ka soo qeyb galaan xafladan lagu dhagax dhigaayo dhismaha qasriga suldaanka oo laga yaleeli doono magaalada Haleeya ee bariga Hargeysa .

Dhismaha qasrigan ayaa waxaa ku bixi doonta lacag dhan (Hal Milyan laba Boqol Iyo Shan Iyo Afartan Kun oo Doller )

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ka mid ahaa masuulyiintii madasha ka hadashey ayaa waxaa uu ku dhawaaqey in xisbiga Waddani bixin doono lacag uu u qoondeeyey in uu kaga qeyb galo dhismaha qasrigan

Comments

comments