Somaliland: Ma Dhabaa Inu Maayar Soltelco Uu Sifo Sharci Daro Ah U Iibiyey Hangarkii Suuqa Inji ,

222

Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deeganka magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay Maayar Solteco ku eedeeyen in uu sifo sharci daro ah u iibiyey hangarkii Suuqa INJI ee ku yeelay xaafada Axmed Dhagax

Xildhibaanadan ayaa sheegay in uu Maayarku suuqaasi ku iibiyey lacag dhan 800,000 ( Sideed boqo oo kun oo Dollar ) , isla markaana waxaa ay xildhibaanadu sheegeen in uu halkaasi ka iibiyey ganacsadaha qaadka ee Ina Afdiinle oo halkaasi kiro ahaan ugu jiray muddo 15 sanno ah balse ay iminka ka dhamaatey .

Ficilkan hanti boobka ay ee uu sameeyey Maayar Solteco lagu eedeyey ayaa waxaa si xun uga gil gishay isla markaana uga damqadey xildhibaano ka tirsan golahaasi , isla markaana ka dubiyey mooshin ka dhan ah xilkiisa

Comments

comments