Somaliland: Kulan Laba Weji Lahaa Oo Madaxtooyadda Ku Dhex-maray Madaxwayne Siilaanyo, Cali Khaliif Iyo Odayaal.

248
Khatumo leader Prof Galayd says its time to give peach a chance

Cali Khaliif oo hore isugu magacaabay inuu yahay Madaxweynaha Maamulka Khaatumo ayaa qasriga Madaxtooyadda Somaliland xalay kulan kula qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo, kaasoo dhankiisa Cali Khaliif uu ku weheliyey Wasiirkiisa arrimaha dibeda Mr. Maxamed Shabac. Ma jiro War rasmi ah oo ku saabsan ujeedada Kulankaa oo kasoo baxay Xukuumadda Somaliland.

Hase-yeeshee Warar Wargeyska Yool ka helay ilo u dhuun-daloola xidhiidhka Madaxtooyadda iyo Cali Khaliif, ayaa tibaaxay in safarka hadda ee Cali Khaliif iyo kulanka Madaxtooyadda ee Xalay uu kasoo shaqeeyey Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin, isla markaana sida xoggaha lagu sheegay lagu wado is araga Madaxtooyadda kaddib Md. Cali Khaliif inuu u safri doono dalka Kenya.

Waxa kaloo, Wararku intaa ku darreen in wafti Odayaal ah oo kasoo jeeda deegaanka Buuhoodle, una badan sida la xusay ardaaga Beesha Maxamuud Garaad, inay shalay gelinkii dambe kulan la qaateen Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi, waxanay xoggaha kulanka hore la xidhiidhay tibaaxeen in ujeedada waftigan Odayaashu u la xidhiidhay qorshe ka dhan ah Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Axmed Ciise (Xagla Toosiye), sidoo kale waxa iyana aan meesha ka madhnayn loolanka xubno Beesha Dhulbahante ahi ugu jiraan hanashada jagada Gudoomiyaha golaha wakiiladda, kaddib marka uu jagadda banneeyo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee hadda ah Gudoomiyaha Barlamanka Somaliland.

Comments

comments