Libaax Baddeed Halis Galiyay Nolosha Gabadh Yar & Sida Aabaheed Uga Badbaadiyey !

168

Dhacdo aad u naxdin badan ayaa ka dhacday xeebta Magaalada  Richmond BC ee Dalkaasi Canada, kadib markii gabadh yar oo uu wehelinayay Aabaheed ay la ciyaartay Libaax badeed kaasi oo u ekaa Xayawaanka loo yaqaano Hoombarada oo had iyo jeer ah mid ay dadku  ciyaarta la waddaagaan, Libaax baddeedkan ayaa marba marka ka danabaysa usoo dhawaanayay kuna soo boodayay dhinaca ay gabadha yari ku sugnayd waxaanu markii danbe ku guuleystay inuu biyaha ku rido, balse waxa markiiba biyaha ka daba galay oo ka soo badbaadiyay Aabaheed oo goobtaasi ku sugnaa waxaanay Dail Mail oo wargeyska Himilo ka soo xigtay Caddaysay in gabadha yari ka soo jeeday waddamada Asia kuna nooshahay Dalkaasi Canada.

Xayawaanada noocan oo kale ah ayaa halis galiya Nolosha ubadka yaryar, taasi oo waalidkuna ku dedaalo sidii ay ubadka uga ilaalin lahaayeen

Comments

comments