Wasiir lagu amray keenida EREY Farxadda iyo Naxdinta loo adeegsado & jawaabtiisa.

351

Boqor ka mid ah boqoradii Hindiya ayaa maalin u yeedhay wasiirkiisa, waxaanu ku amray inuu u soo qoro eray xikmad ah oo haddii uu faraxsan yahay ka cadhaysiiya, haddii uu cadhaysan yahay-na ka farxiya.

Wasiirki go’aanka boqorku faray, oo waajib ka saaran yahay inuu fuliyo, ayaa muddo markuu maskaxda rogrogay, kula soo noqday weedhan macnaheedu yahay  “Wakhtigani wuu dhamanaaya”  “This time will go”.

Haddii aad farxad ku jirto wuu kaa nixinayaa isagoo kuu muujinaya inuu kaa dhamaan doono, haddii aad murugo ku jirtana wuxuu ku  tusayaa in aanay ahayn wax waaraya.

Comments

comments