Somaliland: Xogo Kasoo Baxaya Kulan Uu Maanta Horjooge Cali Khaliif Galayda Qasriga Madaxtooyada Somaliland Kula Qaadanayo Madaxwaynaha Somaliland

529

Horjoogaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh oo shalay safar sanqadh yari ah magaalada Hargeysa kusoo galay ayaa waxa la filayaa in uu maanta madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” kulan khaasa kula qaato qasriga madaxtooyada Somaliland.

Waxaana horjooge Cali Khaliif Galaydh oo hadda degan Hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa  naloo sheegay in saacadaha soo socda kulan ay qasriga madaxtooyada ku yeelan doonaan isaga iyo madaxwayne Siilaanyo.

Ilo u dhuun daloola Madaxtooyada ayaa Ramaasnews  u sheegay in horjooge Cali Khaliif Galaydh uu madaxwayne Siilaanyo kala hadli doono laba qodob uu muhiim ah kuwaas oo la taxaluqa ujeedada socdaalkiisa uu Hargeysa ku yimi isaga oo Bari-na sida naloo  sheegay  ka duuli doona garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa una jihaysan dhankaa iyo dalka Jabuuti.

Labada qodob ee ay maanta ka wada hadli doonaan horjooge Cali Khaliif Galaydh iyo madaxwayne Siilaanyo ayaa ilo diiradda ku haya dhaq-dhaqaaqani ay  noo sheegeen inay yihiin sidii uu Horjooge Cali Khaliif madaxwayne Siilaanyo ugala hadli lahaa madaxwayne Siilaanyo arrimo khuseeya wada hadaladan dib mar afaraad uga furmaya dalka Jabuuti dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo iyo sidii loo hirgalin lahaa qodobadii kulamadii hore kasoo baxay oo aan qaarkood hirgalin ayna kow ka tahay ciidamadii loo Qaramaynayey Khaatumo iyo in uu madaxwayne Siilanayo kala hadlo colaada ka taagan deegaanada Koonfurta gobolka Sool oo laga cabsi qabo in ay hadana dib usoo cusboonaato isaga oo sidoo kalena sida naloo  sheegay madaxwaynahana gaadhsiin doona fariin ay usoo dhiibeen madaxdhaqameedka ku guda jira heshiisiinta labada Beelood ee dirirtu ku dhex marayso Koonfurta gobolka Sool.

Horjooge Cali Khaliif Galaydh ayaa hadii uu maanta joogo magaalada Hargeysa waxa laga yaabaa inuu maalinka Barri ah u dhoofo dalka Jabuuti isaga oo halkaasi kasii qabanqaabinaya shirkan wajiga Afaraad ee wada hadalka ah ee u dhaxeeya dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo oo ay dawlada Jabuuti marti galisay.

Comments

comments