Somaliland: Siyaasi Baashe Cali Jaamac Oo Maanta Dalka Kusoo Laabtay Kadib Markii Uu Ka War Helay In Cali Khaliif Hargaysa Ku Sugan Yahay

128

Baashe Cali Jaamac ayaa Waxaa Magaalada Hargaysa si balaadhan ugu soo dhoweeyey siyaasiyiin,Xildhibaano, Aqoonyahan,dhalinyaro iyo Masuuliyiin ka Tisan Xukuumada Somaliland waxaana uu Halkaasi ka jeediyay Kelmado Mahadnaq ah oo ku aadan Sida loo soo dhoweeyey

Baashe Cali Jaamac ayaa Safarkiisa Lagu Sheegay inuu Degdeg ahaa taasi oo salka ku haysa Socdaal qarsoodi ah oo uu Hargaysa ku yimi Hogaamiyihii Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh kaasi oo ay Siyaasada iskaga soo horjeedaan,

Siyaasigan waxaa masuuliyiinta soo dhoweeyey ka mid ahaa Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ah murashax u taagan Jagada gudoomiyaha Golaha Wakiilada,Agaasimaha Guud ee Hayada Qandaraasyada Qaranka Maxamed Axmed Xasan Saadle,Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Buuhoodle iyo Xubno Kale.

Comments

comments