Somaliland: Laba Sarkaal Oo Ka Tirsan Xisbiga WADDANI Oo Maanta Maxkamadda Gobolka Hargeysa Ku Dhawaaqi Doonto Natiijada Kasoo Baxday Dacwad,,,,

61

Waxa maanta ay maxkamadda gobolka Maroodijeex Hargeysa ku dhawaaqi doontaa natiijada kama danbaysta ah ee kasoo baxday kiisas ay xeer ilaalinta Somaliland kusoo oogtay labada Sarkaal oo ka tirsan xisbiga WADDANI oo muddo Bil iyo 12 Habeen ku xidhan magaalada Hargeysa.

Waxaana maxkamadda gobolka Hargeysa ay dacwadani ka socotay muddo iyaga oo la filayo in maanta ay maxkamaddu ku dhawaaqdo go’aanka ay kasoo saartay dacwadaasi loo haysto labadan sarkaal oo ay xeer ilaalintu kusoo oogtay dhawr Kiis.

Labadan sarkaal ee WADDANI ka tirsan ayaa waxay kala yihiin gudoomiyihii  garabka dhalinyarada WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme iyo xoghayihii Ciyaaraha WADDANI Yoonis Axmed Yoonis kuwaas oo muddo Bil iyo dheeraad ah ku xidhnaa magaalada Hargeysa.

Fadhigan saaka ee maxkamadda ayaa ah mid furan sida ay Ramaasnews u sheegeen saraakiil WADDANI ka tirsani,waxaana fadhigan saaka ee ku dhawaaqista natiijadu uu noqonayaa mid ay kasoo qayb galayaan Saraakiisha xisbiga WADDANI,Mas’uuliyiinta hay’adda u dhaqdhaqaaqa xorriyatul Qawlka,Qoraayada,dhalinyarada iyo waliba bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ilaa hadda lama garan karo waxa ay noqon doonto natiijada kasoo baxda dacwadaasi ay Xeer Ilaalinta Somaliland kusoo oogtay labadan Sarkaal ee WADDANI ka tirsan  ee Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Yoonis Axmed Yoonis.

Gabagabadiina fadhigan maxkamaddu ay ku dhaawaqayso maanta natiijada ayaa waxa uu hore u baaqday maalinkii Arbacada ee toddobaadkii ina soo dhaafay ee bishu ay ahayd 17.5.2017,waxaana dib loogu riixay maalinka Axada oo Bishu tahay 21.5.2017 oo maanta ku beegan.a

Comments

comments